Cabdiraxmaan Cirro Oo Xabsi Guri Ku Jira, Ciidamo Hogaamiye Xirsi Ka Waayey Gurigiisa, Qorshaha Muuse Biixi Iyo Xaalada Taagan

0
Sunday November 17, 2019 - 21:32:48 in News by
  • Visits: 7143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Cirro Oo Xabsi Guri Ku Jira, Ciidamo Hogaamiye Xirsi Ka Waayey Gurigiisa, Qorshaha Muuse Biixi Iyo Xaalada Taagan

    Cabdiraxmaan Cirro Oo Xabsi Guri Ku Jira, Ciidamo Hogaamiye Xirsi Ka Waayey Gurigiisa, Qorshaha Muuse Biixi Iyo Xaalada Taagan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdiraxmaan Cirro Oo Xabsi Guri Ku Jira, Ciidamo Hogaamiye Xirsi Ka Waayey Gurigiisa, Qorshaha Muuse Biixi Iyo Xaalada Taagan


Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi iyo xukuumadiisa oo sifo baalmarsan sharciga u adeegsanaya awoodii dawladnimo ee somaliland ayaa caawa ugaadhsanaya masuuliyiintii ugu saraysay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.


Warar soo gaadhaya Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in xukuumadu mudo gooban gudahood ay xabsiga dhigtay xoghayihii guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi iyo afhayeenkii xisbigaasi Barkhad Jaamac Batuun oo haatan ku jira jeelka Hargeysa.

Image result for ciro iyo muuse biixi


Sidoo kale wararka ayaa intaas raacinaya in Muuse Biixi oo caawa amaro toos ah siinaya ciidamada booliska somaliland uu damacsan yahay in la sii wado ugaadhsiga masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga Waddani ee mudaharaadada ugu baaqay shacabka somaliland.


Muuse Biixi oo caawa amarada ciidamada booliska ka soo bixinaya gurigiisa magaalada Hargeysa ayaa ku tala galsan inuu xabsiga dhigo masuuliyiinta xilalka ugu sareeya ka haya xisbiga Waddani.


Warar Hadhwanaagnews soo gaadhay ayaa sheegaya in hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ay ciidamada booliska ee caawa ka amar qaadanaya Muuse Biixi ay ka soo waayeen gurigiisa halka warku sheegaya in gudoomiye Cabdiraxman Cirro xabsi guri la galiyey si uu ilaa maalinta bari ah uga baaqdo inuu taageerayaashiisa kala qayb galo mudaharaadka uu shaaciyey.


Muuse Biixi oo adeegsanaya ciidamada amaanka ee uu caawa sida tooska ah amarka u siinayo ayaa u muuqda inuu dajiyey qorshe awood ciidan ku dhisan oo uu doonayo inuu kaga hortago mudaharaadka ay shaaciyeen masuuliyiinta ugu saraysa xisbigaasi.


Sidoo kale warka ayaa tilmaamay in Muuse Biixi uu taliyaha ciidamada booliska kala wareegay awoodii isla markaana uu si toos ah u maamulayo hawl galada ay ciidamadu ku beegsanayaan masuuliyiinta xisbiga Waddani.


Ilaa hada ma cada waxa ay kala mudan doonaan xisbiga awooda badan ee Waddani iyo Muuse Biixiga ciidamadii amaanka u adeegsanaya sifada sharciga baalmarsan.


Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Hadhwanaagnews.com.

Loading...
Loading...