Muuse Biixi Oo Soo Afjaraya Dimuqraadiyadii Somaliland Iyo Masuulkii Labaad Oo Xabsiga Laga Dhigay Waddani

0
Sunday November 17, 2019 - 21:13:58 in News by
  • Visits: 5146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Soo Afjaraya Dimuqraadiyadii Somaliland Iyo Masuulkii Labaad Oo Xabsiga Laga Dhigay Waddani

    Muuse Biixi Oo Soo Afjaraya Dimuqraadiyadii Somaliland Iyo Masuulkii Labaad Oo Xabsiga Laga Dhigay Waddani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Soo Afjaraya Dimuqraadiyadii Somaliland Iyo Masuulkii Labaad Oo Xabsiga Laga Dhigay Waddani


Hargeysa(HWN):-Xukuumada Muuse Biixi ee ka talaabsatay sharciyadii dalka u taalay ayaa wali ugaadhsanaysa masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga mucaaridka ah ee Waddanioo ku baaqaya mudaharaad shacabku iskugu soo baxo oo lagaga soo horjeedo Muuse Biixi.



Ciidamada amaanka oo caawa si toos ah uga amar qaadanaya Muuse Biixi oo gurigiisa ku sugan ayaa mar kale iyaga oo aan waaran qabasho haysan ayaa xabsiga ku hubsaday masuulkii labaad ee ka tirsan xisbiga Waddani oo ah xoghayihii guud Khadar Xuseen Cabdi.

Image result for xoghayaha xisbiga waddani

Gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa fariin uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu ku xaqiijiyey xadhiga labadan masuul waxaanu ku yidhi "Xoghayhii guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Abdi oo hadda Xabsiga loo taxaabay, Afhayeenkii Xisbiga Barkhad Jamac Batun oo saacad ka hor isna la qafaashay. Aadbaanu u canbaaraynaynaa, waxaanay muujinaysaa kelitalisnimo, jujuub laguma baajin karo dareenka shacabka.”


Si kastaba ha ahaatee Muuse Biixi iyo ciidamada uu adeegsanayo ayaa dedaal ugu jira sidii ay u baajin lahaayeen isku soo bax ay sameeyaan shacabka oo ay kaga gilgishaan maamul xumada dul hoganaysa isla markaana ka hortagaya in xisbiga Waddani ku guulaysto inuu shacabka isku soo saaro. 


waxa muuqata in muuse Biixi iyo xukuumadiisa oo sifo sharci baalmarsan u adeegsanaysa ciidamada boolisku ay doonayso inay soo afjarto dimuqraadiyadii somaliland, nidaamkii xisbiyada badani ku tartami jireen iyo xaqii dastuuriga ahaa ee ay leeyihiin muwaadiniintu.


Hadhwanaagnews Kala Soco Wixii Ka Soo Kordha Xiisada Ka Dhex Taagan Muuse Biixi iyo 

xisbiga Mucaaridka ah Ee Waddani



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...