War Deg Deg Ah:- Dawlada Muuse Biixi Oo Xabsiga Ku Hubsatay Masuul Sare Oo Xisbiga Waddani Ka Tirsan, Yaase Ku Xigaya
Hargeysa(HWN):-Xukuumada Somaliland oo sheegtay inay gacan bir ah kaga hortagayso mudaharaadka dastuurku u ogol yahay shacabka oo xisbiga Waddani ku dhawaaqay ayaa qaaday talaabadii ugu horaysay ee ka ku wajahan dhaqdhaqaaqyada cusub ee uu xisbigaasi hormoodka ka yahay.
Dawlada Muuse Biixi oo sifo khaldan u adeegsanaysa ciidamada booliska isla markaana kula dagaalamaysa xoriyatul qawlka iyo xaqa uu dastuurku siiyey muwaadiniinta ayaa xabsiga ku hubsatay afhayeenkii xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun oo mar dhawayd warbaahinta u sheegay inaanu xisbigu baajinayn mudaharaadka uu ku baaqay isla markaana masuuliyadiisa ay qaadayso dawlada Muuse Biixi oo maayarka Hargeysa ugu horeeyo.

Ciidamada amaanka ayaa awood ka baxsan sharciyada u adeegsaday qabashada afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyaga oo aan haba yaraatee haysan wax waaran ah oo u ogolaanaya inay soo qabtaan.
Xukuumada Muuse Biixi iyo xisbiga ugu weyn mucaaridka ee Waddani ayaa haatan si toos ah isku wajahaya, waxaana la dhawrayaa talaabada ay xukuumadu ka qaado Cabdiraxmaan Cirro oo hormood u ah dhaq dhaqaaqyada dardarta leh ee uu xisbiga ka midaysan yahay.


0 





