Dr.Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in xaalka Somaliland uu maraayo meel halis badan

0
Sunday November 17, 2019 - 12:26:00 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr.Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in xaalka Somaliland uu maraayo meel halis badan

    Waxa uu sida oo kale sheegay Dr.Gaboose in dhammaan haayadii dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu sida oo kale sheegay Dr.Gaboose in dhammaan haayadii dalka

Siyaasiga caanka ah ee Dr.Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in xaalka Somaliland uu maraayo meel 

halis badan, loona baahan yahay in ganacsatada,culimada,siyaasiyiinta iyo wax garadka Somaliland inay 

fadhiga ka kacaan oo la dhex galo xisbiyada mucaaradka ah iyo madaxweynaha oo haatan soo kala taagan.


Waxa uu sida oo kale sheegay Dr.Gaboose in dhammaan haayadii dalka ee ay ahayd inay is dheeli tiraan ay haatan gacanta u wada galeen Madaxweynaha oo keliya.




Waxaanu sidan ku sheegay waraysi uu siiyay qaybta tilifishanka ee BBC, waxaanu ku bilaabay sidan " 

"Somaliland si ay ugu naalooto xoriyad,dimuqraadiyad iyo xuquuqda aadamaha iyo wax walba waxay 

samaysatay dastuur ku salaysan dalku inuu yeesho haayado is dheelitira oo kala madax banaan oo is ilaaliya, 

kuwaas oo kala ah baarlamaanka oo laba qaybood ah guurtida iyo wakiilada iyo fulinta iyo garsoorka, mid 

walba waxa loo qoray qaabka ay u shaqaynayso, maanta nasiib darada taalaa waxa weeye guuritdu 30 sano 

muddo ku dhow ayay fadhidaa waxaana xilkeeda loo igmaday 5 sano oo kaliyaata inay fadhido, golahii 

wakiiladu waxa uu fadhiyaa 15 sano, waxaana loo igmaday shan sano,madaxweynayaashii soo maray iyo ka 

hadda siday wax u socdaanba muddo kordhin iyada oo dalka wax mushkilad ah oo ka jiraa aanay jirin. 

Haayadahaas la rabay inay is miisaamaan oo kala madaxbanaanaadaan oo ay isku hiiliyaan ayaa meesha ka sii baxaayay sanadba sanadka ka danbeeya iyo maamulba maamulka ka danbeeya.”

Dr.Gaboose oo arintan ka sii hadlaayay waxa uu yidhi" Ta meesha taalaa waxa weeye haayadii kala 

madaxbanaanaan lahaa ee dalkan kala habayn lahaa ayaa dhaqaalihii iyo maamulkii waxa uu ugalay gacanta

 fulinta madaxweynaha maaha Muuse Biixi oo kaliyaata waa wax muddo soo socday oo maamuladii horeba 

ay ku wada jireen, waxay u fududaysay aan musuqba idhaahdee inay garsoorkii gacanta ku dhigaan oo 

guuritdii gacanta ku dhigaan in komishankii ay gacanta ku dhigaan in ciidamadii fulinaayayna gacanta lagu 

hayo, wariyayaashii iyo cidii hadashana xabsiga loo taxaabayo markaas awoodii qaranka oo dhan ayaa ku soo ururtay hal shaqsi.”

Ugu danbayntii waxa uu Dr.Gabose ku taliyay in fadhiga laga kaco oo la dhex galo mucaaradka iyo 

madaxweynaha "Xaalada ay Somaliland marayso haday doorasho tahay iyo haday nabadgalyo tahayba dalku

 waxa uu u baahan yahay indheer garad,ganacsatada,culimada,waxgarad iyo siyaasiyiin intii la awoodi karaa 

intay isku timaado madaxweynaha iyo asxaabta ay dhex galaan arintaas xalkeeda iyaga uun baa keeni kara 

qoladana waa kala taagan tahay muddo dheer ayayna is jiidh jiidayeen, waxaan ku talin lahaa inay dadku ka 

kacaan fadhiga.”

geeska

Loading...
Loading...