Madaxweynaha Jubaland oo fariin u diray Xubno ka mid ah Maamulkiisa

0
Sunday November 17, 2019 - 09:32:11 in News by
  • Visits: 1646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jubaland oo fariin u diray Xubno ka mid ah Maamulkiisa

    Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan

la qaatey agaasimayaasha wasaaradaha iyo gudoonka guddiga shaqada iyo shaqaalaha ee Dowlad goboleedka Jubbaland.

 

Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd hubinta iyo dhageysiga waxqabadka wasaaradaha iyo gudiyada madaxa banaan ee Jubbaland ayaa ka qabsoomey hoolka shirarka ee madaxtooyada Jubbaland ee magaalada kismaayo.

 

Agaasimayaasha ayaa mid mid uga warbixiyey waxqabadka wasaaradaha ay maamuulaan, sida ay u fulaan mashaariicda kusoo dhaca wasaaradaha iyo caqabadaha ay wajahaan xilliyada ay ku gudo jiraan daadejinta adeegyada bulshada.

 

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kadib dhageysiga warbixinta agaasimaayaasha uga mahadceliyey kuna dhiiri galiyey shaqada balaaran ee ay u hayaan bulshada reer Jubbaland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ballan qaaday in caqabad kasta oo soo wajahda daadejinta adeegyada dowladu shacabka gaarsiiso loo xallin doono sida ugu dhakhsaha badan.

 

Madaxweynaha ayaa si adag uga digey in agaasimayaashu ku dhex milmaan siyaasadda maadaama aysan shaqadoodu ahayn siyaasad ee ay tahay inay adeegyada dowlada gaarsiiyaan shacabka.

Hadalkaan dardaaranka u eg ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya dowlada dhexe Iyo maamulka jubland, arintaa ayaana saameen ku yeelay Howlihii bulsho ee Degaanada Jubaland.


Loading...
Loading...