Taliyeyaashii Saldhigyada Booliska Muqdisho Oo Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey Iyo Kuwo Cusub Oo La Magacaabay

0
Saturday March 23, 2019 - 23:52:51 in News by
  • Visits: 2072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyeyaashii Saldhigyada Booliska Muqdisho Oo Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey Iyo Kuwo Cusub Oo La Magacaabay

    Taliyeyaal Cusub Oo La Magacaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyeyaal Cusub Oo La Magacaabay

 

Muqdisho(HWN):-Inta badan taliyeyaashii saldhigyada booliska ee degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa xilalkii laga qaaday isla markaana kuwo cusub loo magacaabay.

Toban ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa taliyeyaashii saldhigyada booliska xil ka qaadis lagu sameeyey ka dib falalkii amni daro ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa la shaaciyey taliyeyaal cusub oo la magacaabay kuwaas oo kala ah sidan

1-Axmed Qadar ayaa loo magacaabay Saldhiga Xamar Weyne

2-Xuseen Cadceed ayaa loo magacaabay Saldhiga Warta Nabadda.

3-Liibaan Shidane ayaa loo magacaabay Saldhiga Degmada Kaaraan.

4-Bashiir ayaa loo magacaabay Saldhiga degmada Hodon.

5. Cali Calasow Goofjooge oo loo magacaabay saldhiga degmada Heliwaa.

6. Najiib Carab ayaa loo magacaabay saldhiga Degmada Boondheere.

8.-Ismaaciil Muuse taliyaha Saldhiga degmada Dharkaynley

9-Mooshin ayaa loo magacaabay Saldhiga degmada Waaberi.

10-Yaasiin Ganey ayaa loo magacaabay ku-xigeen qayb.

 


Loading...
Loading...