Jawaar Maxmed oo farriin culus u diray Soomaalida Itoobiya..
dibadbaxyadii Itoobiya ayaa waxa uu ka hadlay siyaasadda
gobolka Soomaalida Itoobiya.
Jawaar ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in shacabka
gobolka Soomaalida ay arrimaha gudahooda ah ay iyagu xalliyaan oo aysan meel
kale la aadin.
Mr Jawar Maxamed oo ka hadlayay kulan ay lahayeen qoomiyadda
Itoobiya ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in
dhinacyada isku haya siyaasadda gobolka Soomaalida ay wada fariistaan oo ay
awoodda qeybsadaan.
"Waxaan ku boorrinayaa walaaleheena Soomaaliyeed
arrimaha gudihiina ah ha la soo aadina Oromada ,meelna arrimihiina ha
geynina,midnimada Soomaalida waa xuquuq ay Soomaalidu leeyihiin ,inagu waxaan
nahay walaahiin lakiin banaanka ayaan ka joognaa arrimaha Soomaalida
quseeya,waan idin imaan karnaa oo idin dhexdhexaadin karnaa haddii aad na
casuuntaan ,balse waanadeydu waxay tahay dhibaatadiina ha ku xalinina meel ka
baxsan gobolka Soomaalida,"ayuu yiri Jawaar.
Jawaar Maxamed ayaa si gaar ah ula hadlay jabhadda ONLF iyo
madaxwaynaha degaanka oo ugu baaqay inay xalka ka raadiyaan wadaxaajood iyo
wada tashi.
"Wada fariista ,waxa aan arrintaa ku boorinaya hogaanka
ONLF iyo Mustafe iyo qof walba oo kale ,wada fariista oo dhisa gole,waxaad
leedihiin odayaal xikmad iyo aqoon leh oo aan aniga garanayo waxay gacan naga
siyeen in aan joojino dhiigii ugu badnaa ee daata,waxay odyaaasha gacan idinka siin
karaan in aad awoodda qeybsataan ,waxaa muddo 20 sano ah idin xukumayay Cabdi
Maxamed Cumar sidee markaasi idinka oo dimuqraadiyada u soo dhagaalamay aadan
isugu iman Karin oo aad awoodda u qaybsan Karin " ayuu intaa ku daray.
Mr Jawaar ayaa sidoo kale sheegay in gobolka uu gacanta u
gali jiray shaqsiyaad balse imika dhaqaalahaas uu bulshada dhexdeeda yaallo
islamarkana ay tahay in lagu heshiiyo.
Lahaanshaha sawirkaMAHEDER HAILESELASSIE TADESE
"Qiyaastii 60 % ilaa 70% Miisaaniyadda Deegaanka
Soomaalida waxay aadi jirtay jeebka genaraalada EPRDF maanta dhaqaalahaas
gudaha ayuu yaalaa qeybsada ee ha ku dagalamina'', ayuu yiri Jawaar Maxamed.
Mr Jawaar Maxamed ayaa sheegay in dhulka Soomaalida Itoobiya
uu yahay dhul qani ah balse musuqmaasuq iyo maamul xumo ay ku habsatay.
"Markii aan yaraa waxaan maqli jiray in gobolka
Soomaalida uu yahay mid qaleel ah oo dhul saxaro ah ,markii aan hadda eeganaya
waa mid ka mid ah dhulka ugu qanisan ,macaluusha iyo abaarta ka jirta gobolka
Soomaalida waa mid ka timid musuqmaasuq iyo maamul xumo'', ayuu yiri.
Waa kuma Jawar Maxamed, ninka ay hadda kala boodeen Abiy
Axmed
Dibadbaxyada looga soo horjeeda Abiy Axmed oo 67 qof ay ku
dhinteen
Haile G/selassie: Rabshadihii Itoobiya waxaa ka dambeeyay
warar been abuur ah oo lagu baahiyay Facebook
Jawaar Maxamed ayaa sheegay in qoomiyada Oramada aysan soo
faragalin doonin siyaasada gudaha gobolka Soomaalida Itoobiya islamarkana ay
arrintaa u taalo hogaanka kala duwan ee Soomalida.
"Waxa aan ku waaninayaa walaalaheena Somaaliyeed waa
dhamantood qabiilada kala duwan, anaga ha noo imaanina ee wada fariista ,dood
wada yeesha waana taa waxa aan anagu sameynay wayna noo shaqaysay marka
idinkana aamina way idin shaqaynaysaa, haddii aad dad kale aaddaan, kooxaha
kale xitaa way idinka faaidaysanayaan ,wayna idin qaybinayaa oo idin xukumayaan
,dadkuna way isku kiin dirayaan, ."ayuu intaa ku daray.
Waxaa uu sidoo kale farta ku fiiqay in midnimada Soomaalida
ay ku jirto in arrimahooda ay iyaga xalistaan.
"Midnimada Soomaalida waxaa lagu damaanad qaadi karaa oo
kali ah danaha Soomaalida ee gudaha Itoobiya iyo meelaha ka baxsan,marka
codsigeygu waxa uu yahay ka fedaraal ahaan iyo ka dimuqraadi ahaan waa idinku
garab istaagaynaa doorasho u dhacda xaq iyo xor ,balse idin ma faragalinayno
arrimaha gudaha soomaalida,arrimaha Soomalaida waa kuwa u yaala hogaanka
somaalida, ."ayuu yiri jawaar
BBC


0 





