Madaxwayne Muuse Biixi Oo TACSI udiray Ehelkii Uu Ka baxay Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi

0
Saturday November 16, 2019 - 17:32:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Muuse Biixi Oo TACSI udiray Ehelkii Uu Ka baxay Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi

    TACSI MADAXWEYNE: 16/11/2019 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TACSI MADAXWEYNE: 16/11/2019 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa bahda qareenada Somaliland, waxgaradka, waayeelka, qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuum Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 16/11/2019, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

Marxuumka oo ka mid ahaa guddidii samaysay dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, xilalka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, agaasimihii guud ee wasaaradda cadaalada iyo garsoorka, la taliyihii arrimaha sharciga ee madaxweynaha, ka soo qabtay wakhtigii xukuumaddii madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal "AHU” waxa kale oo uu noqday gudoomiyaha qareenada Somaliland, wakhtigana ahaa la taliyaha Sharciga ee golaha guurtida Somaliland, waxaanu geeriyooday maanta isagoo gudanaaya waajibaadkiisa qaranka.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan hawl-kara oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda qareenada Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...