Muuse Biixi Oo Qorshaynaya Inuu La Wareego Afar Beerood Oo Ku Yaala Deegaanka Qalax Iyo Wasiir Qambi Oo Ganafka Ku Dhuftay Qorshaha Muuse

0
Saturday November 16, 2019 - 16:21:49 in News by
  • Visits: 5436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Qorshaynaya Inuu La Wareego Afar Beerood Oo Ku Yaala Deegaanka Qalax Iyo Wasiir Qambi Oo Ganafka Ku Dhuftay Qorshaha Muuse

    Muuse Biixi Oo Qorshaynaya Inuu La Wareego Afar Beerood Oo Ku Yaala Deegaanka Qalax Iyo Wasiir Qambi Oo Ganafka Ku Dhuftay Qorshaha Muuse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Qorshaynaya Inuu La Wareego Afar Beerood Oo Ku Yaala Deegaanka Qalax Iyo Wasiir Qambi Oo Ganafka Ku Dhuftay Qorshaha Muuse

 


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa amar ku siiyey wasiirkiisa hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Cabdirashiid Qambi inuu awood dawladeed ugu soo gacan galiyo afar beerood oo ku yaala deegaanka Qalax ee duleedka xaafada masalaha ee magaalada Hargeysa.

Image result for muuse biixi iyo wasiir qambi


Sida ay Hadhwanaagnews u sheegeen ilo wareedyo xogogaal ahi Madaxweyne Muuse Biixi oo khadka telefanka kula xidhiidhay wasiirkiisa hawlaha guud oo ku sugan wadanka Turkiga ayaa u sheegay inuu u baahan yahay inuu si deg deg ah dalka ugu soo laabto isla markaana uu fuliyo qorshe uu doonayo inuu gacanta ugu soo galiyo afar beerood oo ku yaala deegaanka Qalax kuwaas oo hareeraha ka xiga goob ay ciidamada qaranka somaliland dhawaan kula dagaalameen dadkii iska lahaa  isla markaana khasaare dhimasho ahi ka dhalatay.


Warka ayaa sheegay in wasiirka hawlaha guud Cabdirashiid Qambi uu ganafka ku dhuftay soo jeedinta madaxweynaha isla markaana uu ku wargeliyey inaanu diyaar u ahayn inuu fuliyo qorshahaasi isaga oo sheegay inuu hore  sumcad xumo uga soo gaadhay dhulkii madaxtooyada cusub laga dhisayey ee Muuse Biixi xooga ku qaatay, dhulkii buurta kala jeexan iyo dhulal kale oo Muuse biixi damcay inuu qaato.


Sidoo kale warka ayaa intaas ku daraya in go’aanka wasiir Qambi uu qaatay uu keenay in madaxweyne Muuse Biixi mar kale u soo diro wasiir Maxamed Kaahin, kaas oo xidhiidh uu la sameeyey ka dib ku guul daraystay inuu qorshaha Muuse biixi ku qanciyo wasiirka hawlaha guud.


Wasiirka hawlaha guud ayaa ilaa hada go’aankiisa ku taagan iyada oo madaxweyne Muuse Biixi uu ulo booc ah ugu tukubayo inuu qaato afartaas beerood ee ku yaala deegaanka Qalax ee duleedka Masalaha Hargeysa.



Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Muqdisho/Soomaaliya

Loading...
Loading...