Ex Wasiir Xaglatoosiye Oo Ka Hadlay Khilaafyada Hortaagan Doorashooyinka Somaliland

0
Saturday March 23, 2019 - 19:51:11 in News by
  • Visits: 2559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex Wasiir Xaglatoosiye Oo Ka Hadlay Khilaafyada Hortaagan Doorashooyinka Somaliland

    Ex Wasiir Xaglatoosiye Waxa Kale Oo Uu ka Hadlay Isbalada Ka Socda Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ex Wasiir Xaglatoosiye Waxa Kale Oo Uu ka Hadlay Isbalada Ka Socda Geeska Afrika


Hargeysa(HWN):-Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilalka Wasiirnimo ee Wasaaraddaha Caafimaadka iyo Dib u dejinta, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, is bedelada ka socda Wadamada Geeska, xidhiidhka cusub ee wadamada Somaliland iyo Eretariya iyo khilaafka Doorashada.




Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), oo wareysi gaar ah siiyeyWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Eretariya ayaa yidhi "Waa lagama maarmaan inaynu la jaanqaadno, oo aynu doorkeena ka qaadano is bedelada xawliga ah ee ka socda mandaqada,waana markii ugu horeeysay ee uu dalkeena yimaado Wasiir Arrimo Dibadeed, Wadanka Ereteriya inaynu yeelano xidhiidh cusub aad iyo aad baan u soo dhaweeynayaa, Wadankan Ereteriya xidhiidhkan cusub ee aynu la yeelanay wax badan buu inaga caawinay, wax badana weynu is weydaarsanaynaa, waxaana filayaa inaynu wax badan kala faa’iidaysano, ta kale waa inaynu Adduun weynahay gaadhsiino qadiyadeena, iyo qaranimadeena, waa mid inaga inagu xidhan, dabcan Dawladduna dadaalkaas wey wadaa, laakiin waxaa looga baahan yahay Shacab, Dawlad iyo Axsaaba inay iska kaashadan sidiii Caalamka loo gaadhsiin lahaa jiritaanka dalkeena, loogana midhi dhalin lahaa himiladeena”.


Mar uu ka hadlaayey Doorashada iyo khilaafka Xisbiyada ee aan wali la xalin ayaa yidhi "In la murmo oo la is qabto, khilaafna yimaado waa sunaha Dawladnimo iyo nidaamka Dimuqraadiyada,haddii Xeerkii Doorashadu Barlamaanka hor yaalo, iyo haddii Axaabtu aanay wali ka heshiin Doorashada iyo qabsoomideedaba, waa arin laga wada hadli karo, lagana heshiin karo, laakiin arimaha Doorashada ee la isku hayo yaanay marnaba xayndaabka dawladnimada inaga talaabinin, Mucaarad iyo Muxaafidba isku hadaf baynu nahay, isku himilo ayeynu nahay, isku meel baynu hiigsanaynaa, oo ah sidii dalkan himiladiisa looga midho dhalin lahaa, Aqoonsi buuxana Caalamka looga heli lahaa, markaas Mucaarad iyo Muxaafidba aynu iska wada kaashano sidii himilada umaddeena uga wada midho dhalin lahayn, wixii aynu isku hayno ee dhexdeena ahna aynu sida ugu haboon u xalino, maxaa yeelay wax walba waa la isku qaban karaa, waxaan ka ahayn Kitaabka Quraanka ee uu ALLE inoo soo dajiyey, arimahaas Doorashadana insha allaah weynu ka heshiin doonaa”.

 


Hadhwanaagnews.com
Loading...
Loading...