'' Maxamed Xaashi Maxaa Laggu Diidey "? W/Q: Ahmed Nour Guruje.

0
Saturday November 16, 2019 - 12:20:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Maxamed Xaashi Maxaa Laggu Diidey "? W/Q: Ahmed Nour Guruje.

    Sanadkii 2004 xisbiyadda Kulmiye iyo Ucid oo uu ka dhaxeeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanadkii 2004 xisbiyadda Kulmiye iyo Ucid oo uu ka dhaxeeyey
hal boos oo komishanka ihi waxay buuxinta booskoodii uu banaanaaday u magacaabeen Maxamed Xaashi cilmi oo aan xisbiyada markaa jirey midna ka mid ahayn .

Maxamed xaashi baryahaa isagoo lagga qaaday xilka wasiirka ganacsigga wuxuu aad u dhaliili jirey xukuumadii Udub ee markaa taladda haysay .



Riyaale markii loo geeyey maxamed xaashi wuu soo celiyay waxaanu ku sababeeyey in aanu dhex ahayn , ka dibna qunyar ayuun baa laggu badalay nin la odhan jirey Maxamed Sheekh .


Hadaba waxaa i waydiinle , Riya-raac haduu ka tirsanaa golihii wasiiradda ee xisbigan kulmiye ilaa hooraantii 2018 .


Hadii uu sanadkan aynu ku jirro dhaxdiisa shaashadaha kasoo muuqday dhawr jeer isagoo xisbiyadda qaarkood dhaliilaya .


Hadii qodobka 12 aad farqadiisa 5 aad ee xeerka komishanku u dhigan tahay ( waa in aanu Xisbi/urur) ka tirsanayn kana madax banaan yahay ) .


Hadii ay muuqato in af iyo aragti midna aanu dhex ku ahayn kagana madaxbanaanayn ee ilaa maalin dhawayd uun uu la safnaa xisbigiisa uu wasiirka iyo kaambaynarka wayn ba u ahaa .


Hadii sidaa sharciga ah looga cawday loona dadeefeeyey , kku adkayshada laggu adkaystay in uu komishan noqdo riyo-raac iyo ansixinta loo ansixiyey maxay daarantahay , abal adba !


W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...