Hambaliyo Dawladda Maamul Goboleedka Gobolka Hawd ( Abdi-Shotaly)
uga diro Beesha Gobolka Hawd ka soo jeedda, waxan leeyahay weligiin waxad ahaydeen xaq u dirir ka duula xaqa, sinaanta, cadaaladda, wadda jirka qaran-nimadda Somaliland, Halgankii SNM qaybtii aad ka qaada-teena cid dafiri kartaa ma jirto, amaan, cisi iyo sharaf baad ka mutaysa-teen, kaalin weyn oo wax ku ool ahna waad ka soo gudateen, idinka oo u dagaalamaaya jiri-taanka iyo wax wadda lahaanshaha qaranimo, oo aanay in yari ku tagri falin hantidda iyo awoodda dalka, kuna noqon wixii aynu u soo baabanay, ee aan qoriga degta us aarnay, abaal-kaas ummadda reer Somaliland way idiin-haysaa, waana la idiin og-yahay ee cisi ku noolaadda. Waxa la yidhi " Duqsi mawdki galay ba afuud kulul dabaasha, markuu dalaq yidhaahaa, nolol ugu dambaysa" ujeedo waxa weeye, ally-lehe haday geeri tashadeen.
Waxa intaas ii raaca,
Horaa waxa loo yihi, " Waxad jeceshahay hadaad waydo, waxa aanad ka
fursanayn baa la sameeyaa" ee waad ku mahadsan tihiin arinkaas aad ku
dhaqaaq-deen, waxa aan mar kale idiinku bogaadinayaa, il-dheer garadnimadda ku
salaysan runta, ee aad shalay ku kacdeen, taas oo ah markii aad aragteen, halka
uu xaalku maraayo, la aasay xuquuq-ddii wadaninimo, car juuq dheh noqotay, oo
laga baydhay wadaddii saxa ahayd, cid gaar ahi iska yeelatay, keligay baan ka
talinayaa ay ku dambaysay, marayso meel kun jeer ka xun wixii aynu ka
dagaalanay, arin faraha ka baxay, la yidhi la isu joojin maayo, in aad maanta
maamul gaar ah ku dhawaaqdaan waa gobanimo, geesinimo iyo ragani-maddii lagu
yaqaanay, laguna ogaa Gobolka Hawd, ee ahaa sooma laabta-yaasha, kuwaas oo
markay ribato lagu eerto, ee mabda'oodda u badheedha kana gabanin runta. Hore
baa murtiyi u hayd " Macaan Jecel mawd-keedda ma aragto" ee
xabaasheedda baa sonkor loogu daadiyaa, si ay iyadu gacmacheedda isugu aasto.
Sidaas waxa ka dhigan labadda askari oo seeftii geeridu dul taal.
Tani way kala
dareertay, oo waxa boqnaha gooyey Labadda askari, ee jeegaanta ku ab-tirsadda,
dhegaha xidhan. waan ku fraxay in aad mudac dhegaha ugu daloolisaan, waana wax
aan idinka filaayey, khasab-na aad hadh cad bayaan ka soo saartaan, in aad
mamaul gaar ah samaysaan, kaas oo ka madax banaan maamulka " Raggii ma
adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximan" Waxan idinku siinayaa taageero buuxdda.
Hore waxa u goostay Gobolka Bdhan, oo ay weliba ku faanaan oo yidhaaheen
askartu iyo daba-dhilifka u adeegaa " Ha iska tageen awel-ba wax noomay
qabanayne", Awdal iyana in yar bay u jirtaa in ay ku dhawaaqdo Maamul
goboleed kale, oo imi-kaba gacan kuma jirto, nin kastaaba ha iska hadlee, way
kacday wax u yaala Somaliland oo dan ahi ma jirto, go'aankii way gaahdeen, cid
is hor taagi kartaana ma jirto. SSC ( Waa Sool, Sanaag Iyo Cayne), iyana
maalmaha soo socdda bay ku dhawaaqayaan, oo Cali Khaliif Galayd baa sidaas
cadeeyey. Hadaba waxay ku hadhay Goboladda Garxajis oo iyana gaar-kood u
tashadda waana la sugayaa wakhtiga dhaw. Waxan ku soo xidhay maqaalkan, oo hore
loo yidhi " Shimbiri maalin bay dab qaaday, maalin-tiina uun Alle bay
gubtay, sidaas awgeed, Ninkii dhici jirey dhib kuma aha ee dhawaan soo baxaw ha
dheeliman, ee ka soo maal adiga baa afarta naas-ba gudin ku jaraye.
* N.B Macaan Jecel, Mawd-Keedda Ma Aragto.
Qore:- Abdi-Shotaly
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!