Wasiirka Waxbarashada Oo Hadhwanaagnews U Xaqiijiyey Wax Ka Badal Lagu Sameeyey Ku Dhawaaqida Natiijada Imtixaanaadka.

0
Saturday March 23, 2019 - 19:43:31 in News by
  • Visits: 2900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Waxbarashada Oo Hadhwanaagnews U Xaqiijiyey Wax Ka Badal Lagu Sameeyey Ku Dhawaaqida Natiijada Imtixaanaadka.

    Habkii Loogu Dhawaaqi Jiray Natiijada Imtixaanaadka Oo Laga Guuray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habkii Loogu Dhawaaqi Jiray Natiijada Imtixaanaadka Oo Laga Guuray


Hargeysa(HWN):-Wasaarada waxbarashada iyo sayniska ee somaliland ayaa wax ka badal ku samaysay qaabkii loogu dhawaaqi jiray natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalada 8aad ee dugsiyada sare iyo fasalada 4aad ee dugsiyada sare.




Wasiirka waxbarashada iyo sayniska somaliland Cismaan Jaamac Aadan ayaa Hadhwanaagnews u xaqiijiyey wax ka badalka lagu sameeyey habkii loogu dhawaaqi jiray natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare.


Wasiir Cismaan oo Hadhwanaagnews uga jawaabaya su,aal ku saabsanayd xaqiijinta wax ka badalka lagu sameeyey ku dhawaaqida natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ayaa waxa uu yidhi " Aniga ayaa kuu xaqiijinaya waa la joojiyey wixii la odhan jiray tobanka arday ee ugu sareeya imtixaanaadka waxa la dhajinayaa oo kaliya imtixaanaadka ardayda dibna loo odhan maayo dugsi hebel ardaydaas ayaa tobanka ugu sareeya ka soo galay waayo waxay u muuqataa nooc ka mid ah ii dhehda.”


Wasiir Cismaan Jaamac Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Ninka madaxda u ah imtixaanaadku inta uu isa soo taago marka la sheegayo natiijada waxa uu odhan jiray tobanka arday ee ugu sareeya imtixaanadku waxay ku jiraan dugsiyada noocaas ah taas la odhan maayo oo waxa la sheegayaa ardayda ka socota dugsiyada oo darbiga ayaa lagu dhajinayaa dugsiyadoodana waa loogu sheegayaa laakiin tobanka ugu sareeya dib loo sheegi maayo.”


Talaabada uu wasiirka waxbarashadu ku joojinayo ku dhawaaqista dugsiga ay ardaydiisu ka mid noqdeen tobanka ugu sareeya ayaa saamayn xoogan ku yeelanaysa dugsiyada gaarka loo leeyahay oo hadyo jeer dedaal u gali jiray inay ka muuqdaan.


Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email:-[email protected]

Loading...
Loading...