Dawlada Soomaaliya Oo Ka Jawaabtay War Ka Soo Baxay Kenya Oo La Xidhiidha Dacwada Badda
Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay qodobada lagu faaqiday wada hadalkii dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta.
Wasiirka arimaha dibada soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay kulanka labada madaxweyne ayaa meesha ka saaray in laysla soo qaaday in dacwada bada lagu dhameeyo miiska wada hadalka taas badalkeedana waxa uu tilmaamay in labada madaxweyne ay isla garteen in dacwadu aanay wax saamayn ah ku yeelan xidhiidhkii u dhaxeeyey labada dal.

Wasiir Cawad oo la hadlay VOA ayaa sheegay in labada madaxweyne ay isla garteen in labadooda dal uu xidhiidh wanaagsani dhexmaro isla markaana ay iskaashi yeeshaan.
Wasiirka arimaha dibada soomaaliya ayaa sidoo kale meesha ka saaray warar ka soo baxay dawlada Kenya oo sheegayey in madaxweyne Farmaajo uu ogolaaday in dacwada bada lagu dhameeyo miiska wada hadalka isla markaana dib looga soo saaro maxkamada.
Doodda ka dhalatay kulanka farmaajo iyo kenyaata ayaa imaanaya ka dib markii hadal aysan shaacin Madaxtooyadda Soomaaliya ay shaacisay Madaxtooyadda Dowladda Kenya taasoo si rasmi ah u xaqiijisay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu muujiyay Kalsoonida uu ku qabo Dacwadda badda ee taalla Maxkamada ICJ lagu xaliyo qaab wada hadal ah oo habkii ay horay dowladda Kenya u Codsatay la mid ah.


0 





