Diyaarado Dagaal Oo Joog Hoose Ku Duulaya Oo Argagax Galiyey Shacabka Hargeysa.

0
Friday November 15, 2019 - 12:21:40 in News by
  • Visits: 8029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarado Dagaal Oo Joog Hoose Ku Duulaya Oo Argagax Galiyey Shacabka Hargeysa.

    Diyaarado Dagaal Oo Joog Hoose Ku Duulaya Oo Argagax Galiyey Shacabka Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarado Dagaal Oo Joog Hoose Ku Duulaya Oo Argagax Galiyey Shacabka Hargeysa.


Diyaaradaha dagaal oo joog hoose ku duulaya ayaa dulmaray caasimada somaliland ee Hargeysa.


Diyaaradahan ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa konton diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopter kuwaas oo argagax ku abuuray bulshada reer hargeysa ka dib markii la arkay iyaga oo joog aad u hooseeya ku duulaya.

Image result for hargeysa


Lama garanayo halka ka soo kicitimeen diyaaradahan jooga hoose ku duulayay, hase ahaatee goob-jooge ayaa sheegay inuu arkay diyaaradahaasi oo uu tilmaamay in markii la arkay iyaga oo joog hoose ku duulaya ay iskugu soo baxeen dadweyne badan oo ku sugnaa goobtii uu joogay isaga oo xusay in diyaaradahaasi ay ku socdeen dhinaca koonfureed.


Maaha markii koowaad ee diyaarado dagaal soo dulmaraan hawada somaliland, iyagoo joog hoose ku socda, inta badana waxay kasoo kicitimaan xeebta dalka jabuuti oo somaliland jaar la ah, halkaas oo uu ku yaalaan saldhigyo badan o ay leeyihiin wadamo badani.

Loading...
Loading...