Iscasilaad Loogu Baaqay Xubno Ka Mid Ah Guddida Cusub Ee Doorashooyinka Somaliland
Hargeysa(HWN):-Fanaanada Sahra Axmed(Halgan) ayaa iscasilaad ugu baaqday xubnaha uu khilaafku ka taagan yahay ee ku jira guddida cusub ee doorashooyinka somaliland.
Sahra Halgan ayaa Cabdirashiid Riyo Raac iyo Kaltuun Sheekh Xasan ugu baaqday inay isku casilaan danta somaliland si loo soo afjaro khilaafka u dhaxeeya mucaaridka iyo muxaafidka.

Sahra Halgan ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda Facebook waxay ku tidhi :-
Salaan dhamantiin fikirkayga muwaadinimo waxaan ka codsan lahaa labadan muwaadin(Cabdirashiid Riyo Raac iyo Kaltuun Sheekh Xasan) inay u daneeyaan qaranka dalka iyo dadka somaliland.
Waxaan leeyahay intii laydin eersan lahaa ee dhib intan maanta taagan ka badani inoo iman lahayd walaalyaal haday idinka dhab tahay somaliland nimadu inaad is casishaan lana waayi maayo muwaadiniin kale oo halkiina buuxisa. tanaasula u daneeya qaran iyo madaxwaynaha idin sharfay hana isku adkaynina xil idiin soo jiida magac xumo waa hadaad muwaadiniin dalkan inuun Dan kale tihiin.
wa bilaahi fawfiiq


0 





