Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Bandhigay Jawaab Dawladu Ka Bixinayso Weeraradii Muqdisho ka Dhacay.

0
Saturday March 23, 2019 - 19:33:44 in News by
  • Visits: 2252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Bandhigay Jawaab Dawladu Ka Bixinayso Weeraradii Muqdisho ka Dhacay.

    Madaxweyne Farmaajo Oo Hanjabaado Diray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Hanjabaado Diray


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay weeraradii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.




Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa ku sheegay inay dawlada soomaaliya ay qaadayso talaabooyin ay kaga jawaabayso weerarada ka dhacay Muqdisho, waxaanu tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday weeraradaasi.


Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalkiisa waxa uu si gaar ah ugaga hadlay geerida mid ka mid ah wasiir ku xigeenada xukuumada oo ku geeriyooday, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi:-


Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto dhammaan dadkii ku shahiiday falalkii waxshinimada ahaa ee maanta dhacay oo uu kamid ahaa Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.


Wasiirku waxa uu ahaa nin afgaaban, edeb badan, waddani ah, dalka iyo dadkana ugu adeegay si daacadnimo iyo hufnaan ay ka muuqato.


Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago in shacab iyo ciidanba loo midoobo kooxaha argagixisada ah ee maalin walba doonaya in ay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed, burburiyaan hantidooda, barakiciyaana birimageydada si aysan u hana qaadin dowladnimadeeda.


Sugidda nabadgalyada waa masuuliyad saaran ciidamada iyo hay’adaha amniga, waana in ay dardargeliyaan hawlaha loo igmaday si looga hortago dhagarta ay kooxaha argagixisada ahi la maagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, shacabkuna waa in ay gacan ka geystaan sugidda nabadgelyada.



Hadhwanaagnews.com
Loading...
Loading...