FAALLO:Hogaamiyaha Wadani muxuu uga aamusan yahay Riyo Raac?
Hargeysa(HWN)-Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ugu balaaran ee Wadani Xirsi Xaji Cali ayaan ilaa intii la ansixiyay Cabdirashiid Riyo Raac ka hadal in uu diidan yahay tilabaadaas.
Hogaamiyaha aamusnaantiisa ayaa muujineysa sida mucaaridku aaney ugu wada socon ama ay uga meermeereysanayaan ka hadalada qodobada xisbiyadoodu ka soo horjeedaan.
Aamusnaata Hogaamiye Xirsi ayaa muujineysa sida mucaaridada Somaliland u tahay ujeedo badan, iyada oo xisbiyadu ashqaata u ogol in mid waliba waxa uu diidan yahay oo inta badan ku kooban reeraha kale ay sidey doonaan uga hadlaan.
waa cajiib in hogaamiyaha Wadani aanu muujin mawqifkiisa ku wejahan sharciyada Riyo Raac lagu ansixiyay, iyo sida xubnaha kale ee isla xisbigaasi aaney uga hadal ashqaas hore uga tirsanaa xisbiga oo haatan ku biiray Xukuumada Kulmiye.
Waana sababtaa ta aaney Wadani uga dalban kareyn Hogaamiye Xirsi in uu muujiyo mawqifkiisa ku wejahan ansixinta iyo sharciga Cabdirashiid Riyo Raac.
Habacsanaanta mucaaridka Somaliland waxa ay dhabar jab ku tahay rejadii shacab ee laga lahaa in dalkan Xukuumada ka talisa lagu xakameeyo sharciyada dalka.
Teeda kale, waxa Iyana xaqiiqo jita ah in Hogaamiye Xirsi fahasan yahay nidaamka beeleysan ee siyaasada Somaliland, halka madaxda sare ee Wadani aaney fahmeyn waxa ay ku waayi karaan eedeynata Cabdirashiid Riyo Raac, iyaga oo laga yaabo in sakhrada naceybka Muuse Biixi ay ka Indho saabtay waxa ay ku waayi karaan mucaaridka xad-dhaafka ah ee Riyo Raac.
Si kastaba ha ahaatee, waxa aan Iyana jirin cid xisbiyada ka madax banan oo umadda si cilmiyeysan ugu soo bandhigta galdaloolada siyaasadaha jahawareesan ee Somaliland.
Hadhwanaag News
Hargeysa


0 





