Saxaafadda Nairobi Oo Xaqiijisay Kulan Ay Yeesheen Farmaajo & Kenyatta

0
Thursday November 14, 2019 - 13:21:16 in News by
  • Visits: 1664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxaafadda Nairobi Oo Xaqiijisay Kulan Ay Yeesheen Farmaajo & Kenyatta

    Saxaafadda Nairobi Oo Xaqiijisay Kulan Ay Yeesheen Farmaajo & Kenyatta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxaafadda Nairobi Oo Xaqiijisay Kulan Ay Yeesheen Farmaajo & Kenyatta


Saxaafadda Kenya ayaa xaqiijisey inay is arkeen isla markaana ay kulan doceed kale yeelan doonaan MW Somalia iyo Kenya Md Kenyatta iyo Md Farmaajo. Waloow aanay saxaafaddu si cad u sheegin in arrinta badda laga hadli doono misna waxaa jira xan hoose oo sheegaysa in uu jiro heshiis qarsoodi ah oo dhexmaraya Kenya iyo Somalia.



Heshiiskan oo uu u kala dab qaadayay Maraykanku, sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan Washington DC iyo Nairobi ayaa tibaaxaya in MW Mohamed Abdullahi Farmaajo oo Isniintii soo gaarey caasimadda Kenya uu shir heer sare ah balse qarsoodi ah la yeelanayo Madaxwaynaha Kenya oo ay wehliyaan diblomaasiyiin Maraykan ah.

Image result for farmaajo iyo kenyatta

Heshiiska la geli rabo oo ah mid aan sidaa waadax u ahayn ayaa waxaa ku qoran tibxo aan waaqici ahayn, waxaana ka mid ah inay Somalia Kenya u dhaafayso 65% ka mid ah dhul badeedka la isku haysto, iyadoo inta soo hartay oo ah 35% oo qura ay qaadanayso Somalia.


Taasi waxay ka dhigan tahay in ku dhowaad 85% ka mid ah baloogyada saliideed ee la sahmiyay inay saliidi ku jirto loo xalaaleeynayo Kenya, taasoo guul wayn siinaysa Kenya oo ay dad badani qabaan in aanay sharciyan xaq u lahayn dhul badeedka.


MAXAA LA DHAAFSANAYAA?


Taa biddaalkeeda waxaa ka daran waxa ay Nairobi kula gorgortamayso Muqdisho oo ah wax aysan iyadu lahayn waana Jubbaland, taasoo kasoo horjeedda qorshaha Nabad Ilaalineed iyo danta Somalia.


Waxay Kenya ogolaanaysaa in meesha laga saaro Axmed Madoobe oo haatan sheegta Madaxwaynaha Jubbaland, balse ay Kenya u adeegsanayso gorgortanka (proxy), iyo in gebi ahaanba la baabi’iyo doorashadii uu qabsaday lana qabto mid cusub oo ay maamulayso DF Somalia.


Kenya ayaa sidoo kale dekedda iyo Garoonka Dayuuradaha Kismaayo si toos ah ugu wareejinaysa DF Somalia, taasoo guul siyaasadeed oo wayn u noqonaysa Dowladda.


Maraykanka oo heshiiskan riixaya kana xaglinaya Somalia ayay shaqadiisu tahay muraaqibaynta dhaqangalka heshiiskan, balse tan ugu muhiimsan Washington, waa in ay xoog kula wareegayaan sahminta dhul badeedkan saliiddu ku jirto, iyagoo meesha ka saaraya sharikaadkii kale ee reer Yurub sida TOTAL iyo ENI (ex AGIP), oo ay kala leeyihiin Faransiiska iyo Talyaanigu.


Image result for farmaajo iyo kenyatta

Heshiiskan ayaan si rasmi ah loo shaacin doonin sida xogta ku cad, iyadoo la xeerinayo xasaasiyadda ku hareeraysan, waxaa se taa biddaalkeeda ay labada dal si qaboow ula soo noqonayaan kiiska ka yaalla ICJ oo lagu wado in la dhegeysto Juun 2020.


Ha yeeshee, ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta jiritaanka heshiis noocan ah

Loading...
Loading...