Muuse Biixi Oo La Filayo Inuu Socdaal Shaqo Ku Tago Dalka Kenya

0
Thursday November 14, 2019 - 12:48:29 in News by
  • Visits: 3946
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo La Filayo Inuu Socdaal Shaqo Ku Tago Dalka Kenya

    Muuse Biixi Oo La Filayo Inuu Socdaal Shaqo Ku Tago Dalka Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo La Filayo Inuu Socdaal Shaqo Ku Tago Dalka Kenya


Hrgeys(HWN):-Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu socdaal ku tago wadanka Kenya.


Sida ay wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyeen ilo xogogaal ahi, madaxweyne Muuse Biixi ayaa la dhawrayaa inuu dabayaaqada bishan November uu socdaal shaqo ku tago wadanka Keny, iyada oo aanu warku cadayn in socdaalkaasi uu yahay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay wadanka Kenya.




Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in la filayo kulan dhexmara madaxweyne Muuse Biixi iyo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, iyada oo socdaalkana ay ka shaqeeyeen siyaasiyiin miisaan culus leh oo ka soo jeeda wadanka Kenya.


Madaxweyne Biixi ayaa haddii uu la kulmo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta waxa uu noqonayaa madaxweynihi sadexaad ee somaliland ka socda oo la kulma madaxweynaha Kenya iyada oo madaxweyneyaashii hore ee somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin ay la kulmeen madaxweyneyaashii ay isku wakhtiga ahaayeen ee dalka Kenya.

Siyaasiyiin miisaan culus ku leh dalka Kenya ayaa hore u sheegay in madaxweynaha somaliland uu dalkooda safar ku iman doono inta aanu sanadkani dhamaan iyaga oo dawladooda culays ku saaraya inay xoojiso xidhiidhka ay la leedahay somaliland.

Bishii September ee sanadkana waxa somaliland yimid wefti ka socda wadanka Kenya kuwaas oo u socday u kuurgalida xafiis ay dawlada Kenya qorshaynayso inay ka furato magaalada Hargeysa.

Loading...
Loading...