13 Noofanbar 2017 Maalintii Madoobayd
Ayaamo
tegey xusuus hadaan Dib u gocono wakhtigii 1960kii Jamhuuriyada
Somaliland xornimada qaadatay, ee 26kii juun, 1dii luulyo la siistay,
markii reer Somaliland iyaga oo ahaa Dalkii Soomaali ugu hor xoroobay,
se waxay ka ahaydba waa kuwii dowladoodii xamar oon xor ahayn kula
cararay, qaladkaa wixii ka gaadhay, taariikhduu ku xusan yahay, se
nasiib daro waayo aragnimo kamay korrodhsan wakhtigii qadhaadhaa iyo
waayo wuxuu baday Kacaankii, marnaba may darsin duruufaha wax sababay
iyo siday uga foojignaan lahaayeen ilaahay baan qaldamine qalad danbe,
laakiin waxa wax laga xumaado ah sidda shacabku wax ma dhaadayaal
dhiilada qarsada u noqdeen, Taasna waxa cadaynaysa sidda reer Somaliland
ay 13 Noofanbar 2017kii u galeen qaladkaa qaladka ka weyn ee cawaaqib
xumada ku keeni kara ama curdin-dhadhinkara Jamhuuriyadan barakaysan ee
Somaliland ee ictiraafka u jeelan, waa Maalintii madaxweynaha laga
dhigay Mudane Muuse Biixi Cabdi, waayo, waxa layidhi "ninkaad kabo
katolonayso kabihiisaa la eegaa" oo siddoo kale Ninka taariikhdiisu xun
tahay xil looma dhiibo, se loo dhiib oo wakaa Muuse, durba wadankii kaga
JAQAAQ siiyey.
Mudane
Muuse Biixi Cabdi waa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waana
Gudoomiyaha xisbul Xaakumka Kulmiye, maantana wuxuu ku laba jirsaday
guudka kursiga Qaranka looga taliyo, mudo xileedkii loo igmaday durba
laba kasoo laac, kii Saddexaadna maanta kow yidhi, se waa meel ilaahay
wax ka wado iyo imtaxaan eebee, Muuse waa kuma?
1.Muuse
waa askari, aan jeclayn toosin iyo talo wadaag, keligii qumane ah, oo
sax iyo qalad amarkiisu inuu meel maro jecel, siddaa laajigeed maaha
ruux Dumuqraadiyada la jaan qaadi kara, oo waa ku cayn gown, rajada
qadiyada Jamhuuriyad Somaliland ee caddaalada iyo Dumuqraadiyada ku
dhisan, ee Somaliland kusoo caano maashay.
2, Muuse waxa uu ka mid ahaa Dhalintii hanaqaaday wakhtigii dawladii Kacaanka milatariga shuuciga ahaa uu awooda iyo qoriga caaradiisa dalka ku haystey, waa ardaydii ku hanaqaaday fikirka milatari shuuciyeysan ee dugsiyada lagu dhigi jiray, kuna kacay oo ku kacaamay mabaadi'dii Kacaankii shuuciga ahaa, waxaana indhaha u jeexay oo ku tabcay oo wax baray xukuumaddii Kacaanka, waxa u yeelay maamuuskii iyo qadarintii ugu horaysay Kacaankii, oo darajo ku taxay oo sarkaal lasalaamana ka dhigay, waa Kacaankii wixii maamul dawladeed ku gardaadiyey ee masuul meel haysta oo Madax ah ka dhigay, Xeer iyo shuruuc maamulkii xasiliyey ee ninka mudakarka ah ee xilqaadka ah ka dhigay waa Kacaankii, markaa ruuxa siddaa Made in Kacaanka ah haddii Madaxweyne loo igmado waa Kacaankii oo Dib loo igmaday,
3,Muuse
mudo ayuu jabhad soo ahaa siddaa laajigeed xeerarka caalamiga ah ee
aduunka u yaala, waxay dhigayaan in Hadduu ruux dagaal galo ay
maskaxdiisu doorsoonto siddaa laajigeed aan xilka qaran ugu sareeya loo
dhiibi karin, haduu jabhad noqdana xil iska daaye aan Dadka in lagu sii
dhex daayo aanay haboonayn oo meel lagu xanaaneeyo noloshiisa, Maxaa
yeeley maamul dumiye maamul dhise ma noqdo.
4,Muuse waa ninkii SNM tii faldanbiyeedka xun ku kacay ee jidgooyada u galay ee qoriga ku qabtey gudoomiyihii SNM Mudane Axmed MaxAmed Siilaanyo, ruux xasilooni daro ku kacay Madaxweyne ma geyo.
5,Muuse sidda wax loo mucaarado mooyee sidda wa loo muxaafadeeyo ma yaqaan oo kaga soo bilow
AXMED SIILAANYO SNMta Markuu Gudoomiyaha ka ahaa, Muuse waa tuu mucaaradka ku ahaa ee weliba falalka xun ku kacay,
C/RAXMAAN TUUR madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland waakii ku mucaariday isaga oo xukunka talada hayey uu SNM oo uu ka midka ahaa uu ahaa.,
MAXAMED X I Cigaal waataynu ogayn sidduu ugu macaaridi jiray ee uu makarafoonka uu u dabo Sidan jiray.
DAAHIR RIYAALE wakhtigiisii siduu Afka u furanjiray ee wax shacabka dhiilo kala geliya ugu tiraabi jiray ee uu u hanjabi jiray.
AXMED SIILAANYO waxaynu kawada dheregsan nahay Muuse isaga oo dowladaa gudoomiyihii xisbul xaakim ahaa siduu u mucaaridi jiray una argagax gelin jiray intuu dhalinyaro rashash u dhiibo, markaa Somaliland u halgankeedii ilaa intay jiray Xukuumad walba Mucaarad buu ku ahaa, kolkaa ruux qaranka Mucaarad uun ku ahaa xitaa iyadoo asxaab mucaarid ahi jirin, haddii Madaxweyne laga dhigo kun mucaarid ayuu sababaa inay samaysmaan,
6,Muuse dagaaladii sokeeye ayuu si cad u soo saftay, oo weliba Gole kaga baanay weedho xanaf leh, taa awgeed suurto gal maaha in Ummadu dhex u aragto.
Dhanka
kale Mudane Muuse waa nin ku xeel dheer oo xariif ku ah sidda maamul
loo dumiyo iyo sidda loogu mucaarado, haddii runta laga hadlaayo, Muuse
ma yaqaano sidda qaran loo dhiso iyo sidda qalad loo saxo toona,
Hadal iyo dhamaan sanadguuradii Labaad ee Maalintii Madoobayd, wakaa dalkii oo dhan mugdigii wada saaqay ee jamhuuriyadii barakaysnayd dhiiladu kasoo wada yeedheyso cidhif ilaa cidhif, ee caddaaladii, sharci ku dhaqankii iyo wax wada lahaanshihii meesha ka baxay,
Ee kaliftay inay muwaadiniintii wadanka lahaa kala irdhoobaan dabkana boobaan,
Khaatumo ka huleeshay oo Sanaag bari kabaha waa kuwii ka iladay, jabhadii CAARE ee bari tiil ee caddaalad u dirirka ahaydna, jabhad kale oo CAWAALE la yidhaa oo caddaalad u diriraa galbeed laga iclaamiyey, xorriyadii hadalka iyo qoraalka oo la madnuucday oo heer la maraayo in muwaadiniintii Facebook ayaad Wax ku qorteen lagu xidhaayo, Bal ayaandarada jirta, muwaadiniintii oo dhulkoodii laga boobo, hantidoodiina la burburiyo, in milatari tabtii Kacaanka wadooyinka lasoo dhoobo si shacabka loo cabsi geliyo oo lagu amarkutaagleeyo, in Garsoorkii uu gebi ahaan howl gabay, oo amar kutaalayn qayaxan iyo tayda midaan ahayn Jid maaha lagu dhaqmaayo, dalkii iyo jamhuuriyadii barakaysnayd xaalkeedu Halkuu maanta maraayo, waa alow sahal, Maanta maalinteedii 13kii Noofanbar 2017 Maalintii Madoobayd weeye sababtuye alow sahal, Aamiin.
Illaahay baa Mahad leh
Midnimana Somaliland
Fuad Fartaag
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!