Ra'iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Guddoomiyaha Guddiga Midawga Yurub Ee Iskaashiga Iyo Horumarinta Caalamiga Ah

0
Thursday November 14, 2019 - 09:41:32 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Guddoomiyaha Guddiga Midawga Yurub Ee Iskaashiga Iyo Horumarinta Caalamiga Ah

    Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Brussels kula kulmay guddoomiyaha guddiga midawga Yurub ee Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah, Neven Mimica.




Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Neven Mimica ayaa looga hadlay xaalada dalka, gaar ahaan arrimaha dib-u-qaabeynta ee dowladdu wado.


Neven Mimica oo caddeeyay in midawga Yurub ay sii wadayo taageeradiisa arrimaha dib-u-habeynta ee guulaha wanaagsan laga gaaray, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay maal gelin xooggan oo wax ku ool ah, si loo gaaro horumarka la hiigsanayo.


Ra’iisul Wasaaraha oo Faransiiska uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, u yimid inuu kulamo la qaato hoggaanka cusub ee Midawga Yurub.



---DHAMMAAD----

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya

Loading...
Loading...