Tuulo Canshuur Ku Soo Rogtay Raga Guursanaya Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelatay Dhalinyarada

0
Thursday November 14, 2019 - 09:00:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tuulo Canshuur Ku Soo Rogtay Raga Guursanaya Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelatay Dhalinyarada

    Tuulo ka tirsan gobolka Kano ee dalka Nigeria ayaa waxaa afartii bilood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tuulo ka tirsan gobolka Kano ee dalka Nigeria ayaa waxaa afartii bilood
ee la soo dhaafay hakad ku jira aroosyada, kadib markii uu madaxa odayaasha dhaqanka ee deegaankaasi canshuur ku soo rogay ragga guursanaya.


 

Caaqilka oo lagu magacaabo Ado Saciid, madaxna u ah tuulada Kera ee waqooyi galbeed Nigeria, ayaa doonaya in ragga caruuska ah ay bixiyaan lacag dhan 377 dollar.

 

Waxaa taa bedelkeeda uu meesha ka saaray hadiyadaha ay dhaqan ahaan ragga guursanaya u siiyaan qoyska gabadha, kuwaasoo isugu jira alaabta guryaha la dhigto iyo maacuunta.

 

Caaqilka ayaa BBC-da laanteeda Hausa u sheegay in canshuurta ay ka jaban tahay hadiyadaha, ujeedkiisuna yahay sidii guurka looga dhigi lahaa mid ay dhalinyaradu awoodaan.

 

Waxa uu intaa ku daray in canshuurta uu go'aansaday kadib wadatashi uu la sameeyay dadka tuulada, balse qaar kamid ah waalidiinta ayaa beeniyay sheegashadaasi.

 

Dadka tuulada ku nool ayaa dareensan in nidaamka dhaqanka ee hadiyadaha uu ka sahlan yahay kan cashuurta, maadaama uu caruuska siinayo waqti ku filan oo uu kharash ku diyaarsan karo.

 

Isah Kera oo kamid ah dadka tuulada ku nool ayaa sheegay in sharciga cusub uu ku qasbay qaar kamid ah lamaanaha is calmaday inay deegaanka ka tagaan oo ay meelo kale isku guursadaan.

 

Sani Kera ayaa dhankiisa sheegay inay u joogaan shan wiil oo uu dhalay kuwaasoo guur diyaar u ah balse canshuurta awgeed dib u dhigay qorshahooda.

 

BBC

Loading...
Loading...