Nuxurka Kulan Uu Madaxweyne Farmaajo Nairobi Kula Yeeshay Ganacsatada Soomaalida Ah

0
Wednesday November 13, 2019 - 22:55:40 in News by
  • Visits: 2363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Kulan Uu Madaxweyne Farmaajo Nairobi Kula Yeeshay Ganacsatada Soomaalida Ah

    Nuxurka Kulan Uu Madaxweyne Farmaajo Nairobi Kula Yeeshay Ganacsatada Soomaalida Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Kulan Uu Madaxweyne Farmaajo Nairobi Kula Yeeshay Ganacsatada Soomaalida Ah


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magaalada Nayroobi kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa ku bogaadiyay dareenka waddaniyeed ee ay u qabaan dalkooda iyo doorka wanaagsan ee ay ka qaataan xal u helista duruufaha ku xeeran.

Image may contain: 6 people, people smiling, suit


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyeyganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursaha jira, caqabadaha ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada uu hoggaaminayo ee ku saleysan taabbo gelinta hannaan dowladeed oo maamuus leh, ayna ku faani karaan dadka Soomaaliyeed.


Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay kaalin mug leh ka qaataan gurmadka loo sameynayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha dalka ka jira. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku boorriyay ganacsatada in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Safaaraddeena Nayroobi si ay u yeelato muuqaal ka tarjumaya hiigsigeenna qaran, hanka iyo kartida ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.

Image may contain: 2 people
Image may contain: one or more people, crowd, table and outdoor
Image may contain: 4 people, people smiling, suit

"Dhismaha Safaaraddan idiinka iska leh. Waxaa loo baahan yahay in aad dib u dayactirtaan oo kaalin weyn aad ka qaadataan, si dadka shisheeye aynu ugu muujinno wajiga dhabta ah ee Soomaaliya iyo hawlkarnimada dadkeenna."

Image may contain: 2 people, wedding, crowd and outdoor
Image may contain: 7 people, people sitting
Image may contain: 4 people, people smiling, indoor
Image may contain: 2 people, people smiling, people standing, suit and outdoor

Munaasabadan oo lagu qabtay deegaanka Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya waxaa ku wehliyay Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Danjire Maxamuud Axmed Tarsan, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade, La-taliyeyaal iyo diblomaasiyiinta ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Nayroobi.



DHAMMAAD

Loading...
Loading...