Munaasibad Baroordiiq Ah Oo Toronto Loogu Sameeyay Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland SAWIRO

0
Wednesday November 13, 2019 - 22:49:11 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasibad Baroordiiq Ah Oo Toronto Loogu Sameeyay Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland SAWIRO

    Hargaysa (HWN) taliyihii ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas marxuum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) taliyihii ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas marxuum
Cabdilaahi Fadal Iimaan oo bishan ku geeriyooday magaalada Hargaysa ayaa munaasibad baroordiiq ah loogu sameeyay dalka Canada.


Munaasibadan baroordiiqda ah oo ay ka soo qayb galeen marti sharaf badan ayaa ka dhacday SAHAN restaurant  waxaana  soo abaabulay jaaliyada Somaliland ee Toronto iyo nawaaxigeeda.


Munaasibad baroordiiqda ah ayay dadkii ka soo qayb galay ay faataxada umareen taliyaha dhintay iyagoo ugu duceeyay in ilaahay janadii geeyo Ehelkii iyo ubadkii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.


Waxayn masuuliyiintii munaasibada baroordiiqda ah ka hadlay marxuumka ku tilmaameen inuu marxuumku kamid ahaa bud-dhigayaashii nabadda ay Somaliland ku naalloonayso, waxayna hoosta ka xarriiqay inuu waqti badan geliyey dhismaha ciidanka Booliska iyo tayeyntoodaba



Loading...
Loading...