War deg-deg ah:- Maamul gobolleed lagaga dhawaaqaayo gobolka HAWD ee Baligubadle

0
Wednesday November 13, 2019 - 19:49:47 in News by A. Asbaro
  • Visits: 13930
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War deg-deg ah:- Maamul gobolleed lagaga dhawaaqaayo gobolka HAWD ee Baligubadle

    War deg-deg ah:- Maamul gobolleed lagaga dhawaaqaayo gobolka HAWD ee Baligubadle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War deg-deg ah:- Maamul gobolleed lagaga dhawaaqaayo gobolka HAWD ee Baligubadle

Hargeysa(HWN)-Waxa magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka HAWD ka socda kulamo ay yeelanayaan Dhalinyaradda aqoonyahanka iyo waxgaradka deegaankaas, waxaannay kulamaddaasi daarran yihiin arrimo khuseeya Masiirkoodda ummaddeed iyo ka deegaankoodda labaddaba.



Kulamadda ay iskugu yimaaddeen Dhalinyaradda, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka deegaankaas ayaa ujeedkiisu yahay samaynta Maamul-gobolleed, kadib markii ay sheegeen iskunna qanciyeen in Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku fashilantay waxyaabo badan, isla markaanna Xaaladdii dalkku ay meel halis ah marayso, bulshaddiina sii kala socoto, waxaannay sheegeen markii ay isla eeggeen arrimo door ah oo jira awgeed inay lama hurraan tahay samaynta maamul gobolleed ay taladdiisa gacanta ku hayaan.

Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ayaa waajahaysa caqabaddo badan iyo ismaan dhaaf siyaasaddeed, waxaanna haatan Somaliland ka jira Jabhaddo bari iyo galbeedba ka soo jeedda, kuwaasoo oo iyagunna ku andacoonnaaya in maamulkan uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi aannu aannu ku habboonayn taladda dalka ee gacanta loo geliyay, isla markaanna wax wada lahaanshihii iyo saamiggii beelaha Somaliland uu Xaafaddooda uun ku soo koobbay, waxaanay taasi dhalisay kala shaki badan oo bulshadda qaybaheedda kala duwan ku yimid iyo Somalilandtii la wada lahaa oo beesha ka sii baxaysa.

Si kastaba ha ahaatee, dhalinyaraddan ayaa ku hawlan wada-tashi iyo kulamo ay la yeelanayaan qaybaha kala duwan ee bulshadda, waxaannay maalmaha soo socda si rasmiya u shaacin doonnaan maamul-goboleedkaas.

Baligubadle, gobolka HAWD
Hadhwanaagnews,Office

Loading...
Loading...