Raysal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Oo Dawlada Qatar Ka Gudoomay Deeq Shacabka Loogu Tala Galay

0
Wednesday November 13, 2019 - 18:08:39 in News by
  • Visits: 2051
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Oo Dawlada Qatar Ka Gudoomay Deeq Shacabka Loogu Tala Galay

    Raysal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Oo Dawlada Qatar Ka Gudoomay Deeq Shacabka Loogu Tala Galay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Oo Dawlada Qatar Ka Gudoomay Deeq Shacabka Loogu Tala Galay

Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudaneMahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta safiirka Qatar ee Soomaaliya ka guddoomay doomo, Cagafyo iyo gaadiid kale oo dowladda Qatar ay ugu deeqday dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabad lagu qabtay gudaha dekadda Muqdisho, ayuu ku-simaha Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad celiyay dowladda Qatar deeqdaan ay maanta soo gaarsiiyay iyo taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda ay la garab taaganyihiin.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in doomaha iyo gaadiidka kale ee maanta dowladdu ka heshay Qatar ay uga faa’iideysaneyso beereaha, adkeynta amniga iyo howlaha kale ee muhiimka ah.

Dowladda Qatar oo xilliya badan oo dhibaato adag jirtay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si buuxda u taageeray, ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya, uuna ka dhexeeyo iskaashiga dhaqaale iyo amni, waxayna mashaariic badan oo horumarineed ka wadaa gudaha dalka.

—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...