Maxaa Laga Dhaxlay Doorashadii Madaxtinimo Ee Laba Sanadood Ka Hor Uu Maanta Oo Kale Ku Shubtay Xisbiga Kulmiye?

0
Wednesday November 13, 2019 - 17:23:26 in News by
  • Visits: 1779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Laga Dhaxlay Doorashadii Madaxtinimo Ee Laba Sanadood Ka Hor Uu Maanta Oo Kale Ku Shubtay Xisbiga Kulmiye?

    Doorashadii Qabsoontay 13/11/2017 Oo Natiijadii Ka Soo Baxday Laga Qoomamaynayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashadii Qabsoontay 13/11/2017 Oo Natiijadii Ka Soo Baxday Laga Qoomamaynayo


Hargeysa(HWN):-13/11/2017 oo ku beegan maanta oo kale laba sanadood ka hor waxa somaliland ka dhacday doorashadii sadexaad ee madaxtooyada.


Doorashadan oo ay ku tarmeen lix murashax oo sadex u tartamayeen madaxweynenimo iyo sadex u tartamayey madaxweyne ku xigeen ayaa dhexmartay murashaxiintii xisbiyada somaliland ee Kulmiye, Waddani Iyo Ucid.

Image result for natiijada doorashada madaxtooyada somaliland 2017


Doorashadan oo qabsoomideeda mudo badan laga shaqaynayey isla markaana la filayey inay noqoto mid dimuqraadi ah oo u dhacda hab xor iyo xalaal ayaa musuq maasuq badani hadheeyey, iyada oo ay ku soo baxeen murashaxiintii madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Kulmiye oo kala ahaa Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.


Qaabka xukuumadii Kulmiye ee uu hogaaminayey Axmed Siilaanyo u maamushay doorashadaasi isla markaana faragelint ugu samaysay guddidii u xil saarnayd doorashada ayaa keentay in shacabka somaliland ku qaybsamaan isla markaana ay ilaa maanta adag tahay sida laysku aaminaa ama loo mideeyo.


Doorashadaas madaxtinimo ee laba sanadood ka hor ka qabsoontay somaliland oo uu si badheedh ah ugu shubtay xisbiga Kulmiye sida ay cadeeyeen xogihii uu soo bandhigay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa laga dhaxlay hogaan xumo ku habsatay somaliland, sharciyadii dalka oo la laabay, musuq maasuqii oo xadhkaha goostay, keli talisnimo qunyar socod ah oo ka bilaabantay somaliland , dimuqraadiyadii oo saqiirtay, horumar la,aan ku ku dhacday adeegyadii bulshada ee xukuumadu u xilsaarnayd iyo fashil ku yimaada mabda’ii somaliland-nimo ee ka dhaxeeyey shacabka ka dib markii la kala sheegtay isla markaana la kala badsaday manfacii somaliland oo ay cid gaar ahi isku koobtay.


Si kastaba ha ahaatee doorashadaas madaxtinimo ee qabsoontay 13/11/2017 oo ku beegan laba sanadood ka hor maanta oo kale ayaa shacabku waxay soo bandhigeen sida ay uga qoomamaynayaan natiijada ka soo baxday doorashadaas xisbiga Kulmiye ku shubtay.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...