Rabshado Udhexeeya Oromada Iyo Amxaarada Oo Ka Dhacay Diridhaba

0
Wednesday November 13, 2019 - 16:08:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rabshado Udhexeeya Oromada Iyo Amxaarada Oo Ka Dhacay Diridhaba

    Wararka ka imaanayo magaalada Dhiridhaba ee bariga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanayo magaalada Dhiridhaba ee bariga
Itoobiya ayaa sheegaya in hadda magaalada laga maqlayo rasaas xooggan kaddib markii rabshado ay halkaas hareeyeen.

 

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Dhirdhaba ayaa BBC u sheegay in xiisad ay ka taagan tahay halkaas, rabshadaha waxay u dhexeeyaan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada.

 

Waxaana hadda magaalada la geeyay militariga Itoobiya si ay xiisadda u dejiyaan kaddib markii booliska ay ku guuldareysteen inay ka hortaggaan colaadda.

 

Goobjoogayaal ayaa sidoo kale BBC u sheegay in dhimasho ay jirto balse aan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay rabshadahaas.

 

Rabshadahan ayaa imaanaya kaddib markii dhawaan ardey kasoo jeeddo gobolka Oromada lagu laayay jaamacadda Waldiya oo ku taal gobolka Amxaarada, waxaana weerarkaas ku dhintay 2 ardey halka 12 kalena ay ku dhaawacmeen.

 

BBC


Loading...
Loading...