Hillary Clinton Oo Markale Isku Tijaabinaysa Trump

Iyada oo la
hadlaysay BBC ayay sheegtay in aysan meesha ka saaraynin suurtogalnimada in ay
tartanka kusoo biirto.
Clinton oo 72 jir
ah ayaa sheegtay in had iyo jeer ay ka fikirto 'madaxweyne ceynkee ah ayaan
noqon lahaa, haddii aan 2016-kii ka guuleysan lahayn tartankii madaxtinimo ee
ay la gashay Trump.
17 musharax oo
xisbiga dimoqoraadiga ayaa haddaba shaaciyay in ay u tartamayaan xilka
madaxtinimada Maraykanka.
Clinton ayaa
wariyaha BBC-da ku tiri " halkan hadda aan kula fadhiyo ee Studiyaha ah,
arrintaas qorshahayga kuma jirto" ayay tiri Clinton.
Waraysigan ayaa ka
dhacay magaalada London, halkaas oo ay ay u tagtay hawlo la xiriira buug ay
wada qoreen iyada iyo gabadheeda Chelsea Clinton.
Is reeb-reebka musharixiinta ee xisbiga dhexdiisa ayaa bilaaban doona bisha feberaayo ee sanadka dambe, waxaana la go'aansan doonaa musharaxa qura ee soo bixi doona si uu ula tartamo Trump.
Clinton ayaa markii sedexaad u tartamaysa xilka madaxtinimada.
Hadal haynta in ay Clinton kusoo biireyso tartanka ayaa maalinba maalinta ka dambeysa kusii xoogaysana ardaayada Washington ee siyaasadda lagu karkariyo.
BBC


0 





