Hal Abuur Laab Saalax Oo Su,aalo Uu Jawaabo U Raadinayo Iska Waydiiyey Dhacdooyinka Siyaasada Somaliland

0
Wednesday November 13, 2019 - 11:23:03 in News by
  • Visits: 3149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal Abuur Laab Saalax Oo Su,aalo Uu Jawaabo U Raadinayo Iska Waydiiyey Dhacdooyinka Siyaasada Somaliland

    Hal Abuur Laab Saalax Oo Su,aalo Uu Jawaabo U Raadinayo Iska Waydiiyey Dhacdooyinka Siyaasada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hal Abuur Laab Saalax Oo Su,aalo Uu Jawaabo U Raadinayo Iska Waydiiyey Dhacdooyinka Siyaasada Somaliland

Hargeysa(HWN):-Hal Abuur Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax oo ka mid ah hal abuurka somaliland ayaa soo bandhigay su,aalo maskaxdiisa ka waynaaday oo uu iska waydiiyey dhacdooyinka siyaasada Somaliland.

Image result for laabsaalax

Hal abuur Laab Saalax ayaa bulshada u soo bandhiay su,aalo uu iska waydiinayo dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee siyaasada somaliland, kuwaas oo u dhignaa sidan:-

Waxaan is waydiiyay dhawr su,aalood waxa dhacaya darteed? Adigase ma ogi.

Golaha wakiiladu ma ummaday wakiilo u yihiin mise masruufka 82 kooda qoys hab dhaqankooda darteed?

Ma in qof guulaysto ayaynu doonaynaa mise in dalku guulaysto?

Hadii xeerarkii inoo qornaa ee hore loo ansixiyay lagu dhaqmi waayay maxaa looga baahan yahay in xeerar danbe la ansixiyo?

Hadii sharciga qalooc inaga galay ilaa goormaan sidan ku sii jiri karnaa?

Muranka xisbiyadu midnimada iyo wada jirka umadda saamayn intee leeg ayuu ku yeelan karaa?

Haddii la cawdo, ayaa loo cawdaa ayaase laga caqdaa?

Jawaabtaadu kuu furan!

Loading...
Loading...