Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku Maxay Uga Aamuseen Cadaala Darada Ay Beelahoodu Qoriga Ka Doorteen
Hargeysa(HWN)-Waxa sanadihii u danbeeyay is soo tarayay iminkana maraya halkii ugu qatarsaneyd dooda saamiga qeybsiga Beelaha Somaliland oo haatan mareysa in jebhado hubeysani dalka dhan walba ka curtaan.
Hadaba labada masuul ee u sareeya beelaha haatan loogu yeero darafyada ee Bariga Iyo Galbeedka waa Madaxweyne ku-xigeenka dalka Cabdiraxman Seylici iyo Guddoomiyaha Golaaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaan ilaa hatan bulshada ay magacooda ku joogaan cabashadooda wax jawaab ah ka bixin.
Labadan Masuul ayaa ay dhici kartaa in ay dabada ka wadaan ololaha cabashooyinka beelaha ee saamiqeybsi xumida iyo in Beesha Madaxweynaha oo ay soo raacaan xulufadooda siyasadeed ay isku koobeen anficii dalka.
Hadii aaney taasi dhab aheyna, waxa isweydiin mudan, waxa madaxweynuhu u fari waayay labadan masuul in ay jawaab ka bixiyaan cabashada beelahooda ee saamiqeybsiga?
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ayaan culys siyaasadeed dalka ku leheyn, bacdamaa uu xilka ku yimi nidaam is-xanbaar ah, oo degaanada uu metelo si toos ah looga soo codeyn.
Balse ruuxa saami qeybsiga beeleed xilka labaad ee dalka ku muteystay ayaa wax lala fajaco ay tahay in uu sharixi kari waayo halka mushaakilku ka jiro, oo oran kari waayay toloow jooga ama cabashadoodu waa xalaal.
Waxa haatan labadan masuul ee beelahoodu dulman yihiin ay dantu biday in ay qoriga aaradiisa miciin bidaan, bacdamaa cid u hadasha ama la hadasha ay waayeen.
Waxase ayaandara ta aka weyni tahay, xibigii Kulmiye iyo madaxweynahoodii umadda Somaliland aqlibiyadoodii ay dooratay in uu isku qanciyay anfaca dalka u qeybintiisa beesha uu ka soo jeedo iyo waraabe u taagyo dadka lagu Indho sarcaadinayo.


0 





