Xildhibaan Ka Hadlay Guddiga Doorashada La Ansixiyay
Xildhibaan Maxamed Saalax Ciige oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Golaha Wakiilada wixii ka dhacay waa la wada arkaayey, xubnaha Komishanka in la ansixinayo hore ayaan u sii sheegay madaama Goluhu u badan yahay Xisbiga Kulmiye, sidaas darteed waxaa iska cad in Cabdirashiid Riyo-raac aanu sinaba sharcigu u ogolayn inuu noqdo Komishan, madaama uu yahay xubin firfircoon oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, ololihiina aad buu uga qayb qaatay, waliba Xisbiga Waddani marar badan buu wax ka sheegay, Inantan ku jirta Komishanka ee iyana la ansixiyey, waxay ka mid ahayd Komishankii hore, sida cadna waxaynu ognahay oo aynu ka war haynaa in Madaxweynaha iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradku inay ku heshiiyeen in aan dib loo soo celin Komishankii hore oo ay meesha ka baxaan, sidaas darteed inantana Komishanka kama mid noqon karto, markaas Xisbiyada Mucaaradka waxaa la gudboon inay dacwad ka furtaan Maxkamadda, soona bandhigaan xubnaha ay diidan yihiin iyo sababta ay ku diidan yihiinba”