Madaxweynihi Hore Ee Mareykanka Jimmy Carter Oo Qalliin Lagu Sameeyay

0
Wednesday November 13, 2019 - 08:35:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihi Hore Ee Mareykanka Jimmy Carter Oo Qalliin Lagu Sameeyay

    WASHINGTON. D.C — Madaxweynihi hore ee Mareykanka Jimmy Carter ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASHINGTON. D.C — Madaxweynihi hore ee Mareykanka Jimmy Carter ayaa kasoo bogsanaya qalliin shalay lagu sameeyay, si looga fududeeyo cadaadis ka saarnaa dhanka maskaxda oo looga shakiyay inuu dhiig ku furmay, kaddib marki uu dhawaan dhulka ku dhacay.

 

Xarunta Carter oo ah hey’ad ay aas aaseen Jimmy Carter laftiisa iyo xaaskiisa Rosalynn ayaa sheegtay in aysan jirin wax halis ah oo ka dhashay qalliinka, isla markaana uu isbitaalka kusii jiri doono si loo qiimeeyo xaaladiisa.

 

Jimmy Carter, madaxweynihi hore ee Mareykanka oo hadda ay da’diisu tahay 95 sano, ayaa mar uu bishii May dhulka ku kufay ka jabay gacanta. Labo jeer oo kale ayuu dhacay bishi aanu soo dhaafnay, isaga oo ka jabay qeybta danbe ee laf-dhabarka.

 

Bishii March ee sannadkaan ayuu noqday madaxweynihi ugu cimriga dheeraa oo soo maraya Mareykanka.

 

VOA.


Loading...
Loading...