"Haddii Doorasho Dhici Waydo Waa Dimuqraadiyaddii Beenta Ahayd Oo Soo Oodantay Iyo Sharci Daraddii Jirtay......"

0
Wednesday November 13, 2019 - 03:21:21 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3676
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Haddii Doorasho Dhici Waydo Waa Dimuqraadiyaddii Beenta Ahayd Oo Soo Oodantay Iyo Sharci Daraddii Jirtay......"

    "Haddii Doorasho Dhici Waydo Waa Dimuqraadiyaddii Beenta Ahayd Oo Soo Oodantay Iyo Sharci Daraddii Jirtay......"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddii Doorasho Dhici Waydo Waa Dimuqraadiyaddii Beenta Ahayd Oo Soo Oodantay Iyo Sharci Daraddii Jirtay......"
Hargaysa(HWN):-Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah Xisbigga Taladda dalka haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in beesha caalamku caddaysay in aan doorasho raali laga hayn aanay dhaqaale ku bixinayn. Islamarkaanna wuxuu sheegay in xisbi 40% haysta codka shacabka Somaliland haddii aannu ka qayb-galayn doorashadday aanay suurta-gel ahayn in doorasho dalka ka dhacdo.

Jamaal wuxuu sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook-, waxaannu sheegay in doorasho la’aan laga dhaxlayo cimri dherer iyo in dadka la isku soofeeyo.


Qoraalka Jamaal Cali Xuseen wuxuu u dhignaa siddan:"Horta doorasho Baarlamaan laba sababoodba uma dhacayso. 1. Horta doorashadeena 75% kharashka ku baxa Waxaa bixiya beesha caalamka ( international community), kolkaa beesha caalamkuna way cadaysay in doorasho aan dhamaan laga raalli ahayni aanay lacag ku bixinaynin. 2. Hadduu qof ku doodo ka waran haddaynu inagu iska bixino. Umalayn maayo in aynu inagu doorasho iska bixin karno laakiin haddii ay dhacdaba Oo aynu iska bixino, umaleyn maayo in doorasho la qaban karo xisbigii aqbaliyadda 40% lahaa uu ka maqan yahay in cidi qabanayso haddii aan la sameyneynin Indho adkaan iyo in dadku is dilaan oo gacanta iskula tagaan. 

Haddaba haddii aanay dhacaynin doorasho waxa qudha ee laga dhaxlayaa waa cimri dherer iyo dadka laysku soofeeyo, iyo dimuqraadiyaddii awalba beenta ahayd oo soo oodantay iyo sharci daraddii awalba jirtay Oo sii xuub dilaacsatay. Nimanka kuraasta imika Baarlamaanka 15 sanadood ku fadhiyey imikana aan iyagu sharci ahayn cidda Waxay soo saarto sharci u haysata ayaa ka sii waalan. Ama saaxiga la keeni ama si kale ayeey ku danbeyn, kibirka waa la yaqaan Wuxuu ku danbeeye.”

Hargeisa,Somaliland
Hadhwanaagnews,Office

Loading...
Loading...