Nuxurka Khudbad Madaxweyne Farmaajo Ka Jeediyey Shir Caalami Ah Oo Ka Dhacay Kenya

0
Tuesday November 12, 2019 - 17:37:31 in News by
  • Visits: 1496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Khudbad Madaxweyne Farmaajo Ka Jeediyey Shir Caalami Ah Oo Ka Dhacay Kenya

    Nuxurka Khudbad Madaxweyne Farmaajo Ka Jeediyey Shir Caalami Ah Oo Ka Dhacay Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Khudbad Madaxweyne Farmaajo Ka Jeediyey Shir Caalami Ah Oo Ka Dhacay Kenya


Nairobi(HWN):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Horumarka iyo Dadweynaha oo ka furmay magaalada Nayroobi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal muuqda gelisay awoodsiinta dhallinyarada iyo in ay kaalin hoggaamineed ka qaataan dalka.

Image may contain: 1 person

Image may contain: one or more people, crowd, concert and indoor

Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiintaiyo ka qeyb galayaasha shirkan dhibaatooyinka sinnaan la’aanta dhanka bulshada ee adeegyada dadweynaha iyo dhaqaalaha, waxa uuna adkeeyey mowqifka joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay ka taagan tahay taageeridda Olalaha Caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo horumarka iyo hiigsiyada barwaaqo-geynta dadweynaha.


"Waa inaan aqbalnaa in ay jiraan caqabado aan wadaagno oo ku aaddan hirgelinta koboc dhaqaale oo loo siman yahay, bixinta adeegyo dadweyne oo la heli karo iyo fursad u abuuridda dhallinyarada adduunka oo badankood ay ku nool yihiin qaaradda Afrika.”


Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay kororka muuqda ee tirada dadka Soomaaliyeed ku yimid sanadihii danbe, waxa uuna xusay fursadaha horumarineed iyo dhaqaale ee ugu jira arrinkan dowladnimada Soomaaliya, maadaama tirada ugu badan ee shacabkeenna ay yihiin dhallinyaro u hanqal-taagaya sidii dalkoodu uu ula tartami lahaa dalalka Caalamka ee horumarsan.

Image may contain: 5 people, people sitting
Image may contain: 7 people, people smiling

"Waxa aan garawsannahay baahida loo qabo in si degdeg ah loo taageero dhallinyaradeenna si kororka dadweyne aan uga faa’idaysanno dhanka xasilloonida iyo abuuridda fursado loo siman yahay.”


Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, isaga oo soo bandhigay fursadaha siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee soojireenka ah oo ay ku tilmaaman yihiin Haweenkeenna Soomaaliyeed.

Image may contain: 5 people, people standing and suit
Image may contain: one or more people, crowd and indoor
Image may contain: 18 people, crowd
Image may contain: 1 person, smiling, crowd
Image may contain: one or more people and crowd

Shirka oo socon doona muddada u dhaxeysa 12-14ka bishan ayaa lagu soo bandhigayaa fursadaha horumarineed iyo caqabadaha barnaamijyada dadweynaha, kor uqaadista maalgelinta adeegyada aasaasiga, joojinta tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo sare u qaadista saamiga dhallinyarada ee hoggaaminta.


DHAMMAAD

Loading...
Loading...