Waa Kuma Cabdiraxmaan Maadey, Hogaamiyaha Cusub Ee Ururka ONLF?
Cabdiraxmaan
waxaa uu ku dhashay Magaalada Qabridahar ee deeganaka Soomaalida ee dalka
Itoobiya, waxaana laga kaxeeyay halkaas isagoo yar oo waxaa la geeyay Magalaad
Wajeer ee dalka Kenya sanadkii 1962.
Wuxuu
halkaas ku bartay qeybka mid ah waxbarashadiisa dugsiga hoose, kadib markii uu
buuqa ka dhashay dalka Itoobiya.
Qoyska
Cabdiraxmaan ayaa markii dambe waxaa ay u wareegeen Magaalada Kismayo, waxaana
dugsigii hoose ee Kismayo uu ka sii watay waxbarashadiisa dugsiga hoose.
Magaalada
Baydhabo ayay sidoo kale qoyskooda u wareegen, waxaana halkaas uu ka dhigtay
dugisga dhexe qebtiisa koowaad.
Magalaada
Muqdisho ayuu usoo wareegay, oo waxaa uu halkaas ku dhameeyay dugsiga dhexe,
kahor inta uusan waxbarashadiisa dugsiga sare ka dhameynin dugsiga sare ee
Lafole.
Jaamacadii
Lafoole, gaar ahaan kuleejkii macallimiinta ayuu ku biiray, waxaana xigay
shahaadada labaad ee jamaacadda machadkii caanka ahaa ee SIDAM ee ku yaalay
xaafadda Shingani ee Magaalada Muqdisho iyo jaamacad kale oo ku taala dalka
Mareykanka oo uu ka bartay xisaabta.
Cabdiraxmaan
waxaa kale oo uu soo noqday macallin, oo waxaa uu wax ka soo dhigay iskooladii
15 May, dugsiga Cabdicasiis, dugsiga Xamar jadiid iyo jamaacdda Lafoole oo uu
mar ka soo noqday bare jaamacadeed.
Intii uu
joogay gudaha Soomaaliya waxaa uu ahaa macallin ku takhasusay xisaabta, fisiks
dugsiyada hoose ka dhigi jiray seyniska.
Jaamcadda
Lafole ayuu sidoo kale macallin ka soo noqday oo waxaa uu ka bari jiray
macallinimada. Markii uu yimid dalka Ingiriiska, waxaa uu halkiisi ka sii watay
macallinimada, waxaana kuleejka Westham uu ka dhigi jiray maadada ganacsiga iyo
luuqadda Ingiriiska.
Kadib
burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan waxaa uu ka mid ahaa
Soomaalidii u qaxay dalalka caalamka, oo waxaa uu tegay dalka Ingiriiska,
halkaas oo markale uu ku biiray jamacadda Green, kahor inta uusan macallin ka
noqonin Kuleejka Westham ee dalka Britain.
Waxaa uu
BBC-da u sheegay in uu halganka bilaabay 1972, xiligaa soo uu sheegay in uu
ahaa dhalinyaro 16 sano jir.
Wuxuu
xiligaas ku biiray uruurka dhaqdhaqaaqa dhanliyarada Soomaaliyeed ee
"xoreynta dhulka ay xabashida guumeysato".
Sanadkii
1974 waxaa uu markale ku laabaty Magaalada Qabdirdahar, waxaana halkaas lagu
xiray 6 bilood xiligii dowladii Mangistu, waxanaa markii la sii daayay uu dib
ugu laabtay Magaalada Muqdisho.
Dagaaalkii
1977 ee Itoobiya iyo Soomalaiya waxaa uu ka mid ahaa dadkii asaasay ururkii
dhalinyaradii gobanimo doonka Soomaali galbeed, waxaana uu guddoomiye u noqday
isla ururkaas ilaa iyo sanadkii 1983.
Sanadkii
1984, isaga iyo shan aqoonyahano oo ka tirsanaa jabhaaddii WLSF waxay asaaseen
ururka ONLF, waxana uu horay usoo noqday guddoomiyaha ururka ONLF xiliyadaas,
kahor inta uusan ku wareejinin Cabdiraxmaan Yuusuf Magan oo guddoomiye ahaa
ilaa iyo sanadkii 1991.
Intii uu
ku jiray ururka ONLF, Maadey waxaa uu ka soo qabtay xilal kala duwan oo kala ah
xoghayaha arrimaha dibadda, xoghayaha dhaqaalaha, xoghayaha guud iyo xoghayaha
warfaafinta.
Cabdirxamaan
Madey waxaa uu kusoo barbaaray Soomaaliya, waxaana uu horay tirsanaa bahda
ciyaartoyada.
Intii uu
ku noolaa Soomaaliya waxaa uu soo noqday tababaraha naadiga badda ee kubada
kolayga badda, waxaana uu mar tababare usoo noqday naadiga Qaranka ee kubada
kolayga ee Soomaaliya.
Soomaaliya
ayuu sheegay in uu ku hogaamiyaya ciyaaro badan oo kuwa kolayga ah.
Cabdirxmaan
Madey waxaa uu dhalay lix wiil, waxaana ay wada joogaan xaaskiisa Seynab Jaamac
Adan, sidoo kale waxaa la dhalatay laba gabdhood iyo wiil.
BBC