War Deg Deg Ah:-Golaha Wakiilada Oo Cod U Qaaday Xubnaha Cusub Ee Komishanka Iyo Codadka Lagu Ansixiyey
Hargeysa(HWN):-Golaha wakiillada Somaliland ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka Qaranka oo muran weyni ka taagnaa. xubnaha oo uu ka maqnaa xubinta xisbiga Waddani ayaa helay kalsoonida baarlamaanka waxaanay codadka u kala heleen sidan:-

- Cabdirashiid Maxamuud Cali Riyo-raac 50 xildhibaan ayaa ansixiyay
-
Kaltuun Sh Xasan Cabdi waxa ogolaaday 55 xildhibaan ayaa ansixiyay
-
Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood 58 xildhibaan ayaa ansixiyay
-
Xasan Yuusuf Ducaale 58 Xildhibaan ayaa ansixiyay
-
Maxamuud Daahir Jaamac 55 Xildhibaan ayaa ansixiyay
-
Mustafe Maxamed Daahir 58 xildhibaan ayaa ansixiyay
Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo xisbiga UCID ayaa si weyn u diidan Cabdirashiid Riyo-raac oo Kulmiye ka tirsanaan jiray waxa kale oo Waddani diidan yahay Kaltuun Sh Xasan Cabdi oo ka tirsanayd Komishankii hore.


0 





