Biography Of Abdirahman Ahmed Ali Tuur Q.4aad ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday November 12, 2019 - 09:13:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2077
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biography Of Abdirahman Ahmed Ali Tuur Q.4aad ( Abdi-Shotaly).

    Waxa isugu keen dambaysay xabad joojin lagu dhawaaqay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa isugu keen dambaysay xabad joojin lagu dhawaaqay
( Waa Q.3aad), oo shir-kaas sheekh lagaga heshiiyey, in shir kale oo ka weyn kan la qabto, oo ay ka soo qayb galaan Beelaha iyo goboladda oo dhami, lagagana wadda hadlo dib u dejinta dalka iyo dadka, laguna qabto Magaalo madaxdda Gobolka Awdal ( Boorame), Markii la isku aamini waayey, ee reer waliba uu ka baqay in uu tago, meel beel kale leedahay, baa waxa lagu goostay in ay Boorame Dhex-dhaxaad tahay). Halkii baana lagu qabtay. Markii la isugu yimi Magaaladda Boorame, waxay noqotay in la fadhiyo mudo 3 bilood ah, laguna lafa guro nabad waarta, laakiin waxa hoosta laga watay mijo xaabin, ay ka dambeeyeen kuwii cuqdadda biirtay ay ku qafilayd, kuwaas oo ah, kuwa maanta xididadda u jaray qaranimaddii Somaliland, oo kala ah " Raggii ma adigaa ka hadhay, geenyo shaaximan iyo Saleebaan gaal", oo ay u dhan yihiin kuwa magaca beelaysan la baxay, ee qabiileeyey dawladdii qoriga caaradiisa lagula soo noqday ( Waa kuwa la yidhaaho Jeegaanta'e). Halkaas waxa isi soo sharaxay afar nin, kuwaas oo kala ahaa;-

 

(1)  Muj. Mohamed Halac (Ihun) .

(2) Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaa (IHun)l.

(3) Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur Ihun).

(4) Iyo ugu damabayn Cumar Carte Qaalib.

 

Waxay socoto-ba, ilayn waa meel reerka Garxajis loo jeedaaye, waxa ku soo baxay oo la doortay Madax-weyne Maxamed Xaaji ibraahin Cigaal (ihun), In kaste oo uu ahaa nin aad u qiimo badan, hadana dorasha-daasi uma ay dhicin mid daacad iyo xalaal ah, ujeedadda laga leeyahay-na waxay ahayd in laga ilaaliyo Garxajis, iyaka oo ahaa beesha 99% dalka u soo halgantay, ee ku soo xoog iyo xoolo beeshay, kuna waayeey geesi-yaddii ugu qiimaha badnaa, sidda lixle, Koosar, Kood-buur, Maxamed Cali, Jamac Cali Cimi, Maxamed Mooge, Harag-waafi, Xasan kayd, Ina Macalin haaruun, Libaaxo, Cawil Cadami iyo qaar kaloo badan, Akhristaw lama  soo koobi karo haddii caawa iyo berito la wado. waxa warqad lagu qori karana ka badan,  mana jirto beel kale oo intaas oo geesi ahi ku qudh waayeen ama iska raaceen, Bal galbeedka Hargeysa ha sheegeen nin qudha oo magac lahaa, oo dagaalkii SNM Kaga dhintay, iyo kan meesha baf-baf lihi, halkuu ka dagaalmay. hadaanay ahayn beri baan xuduudda ka talaabay aniga oo direyska SNM xidhan.

 

Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (Ihun), wuxu dhisay maamul ka kooban mucaaridkii ka soo hor jeeday xukuumaddii Abdi-rahman Ahmed Ali ( Oo ahaa khaldka koowaad), Madax-weyne ku xigeena waxa loo doortay Cabdiraxman Aw Cali ( Laba Tole), maamul-kaas oo dhinac ka raranaa, Ilayn duul meeli u cadahay, meeli ka madoowe, wixii la is lahaa haday degaysaa colaadu, waxa la abaabulay dagaalkii marya-alooka, oo colaaddii way sii laba-kaclaysay. ujeeda-diisuna waxay ahayd in lagu wiiqo, laguna wax-yeeleeyo Beesha Garxajis, Wuxu Ina Cigaal ka dhigtay Wasiirka Arimaha Gudaha kii ugu cudurka weynaa ( Waa Raggii ma adigaa ka hadhaye), oo aan meel uu ka dagaal galay jirin, buka oo qaba xanuun aan dawadiis aduunkan aynu dul saaranahay laga helayn, waayo cuqdadu dawo ma laha, markaad adigu isku beertana ka sii daran, oo waad u dhimataa ( Waa sidda askariga kor ku qorane. dagaalkii wuu sii laba qarxay, tallo faraha bay ka haaday, qax iyo bara kac kale baa la sii kordhiyey, oo meel kaste way ka qarxday. 

 

Burco Waxa loo direy 1994kii, odayga hadeer ku hor kaaja Gole ku sheega Guurtidda, ee loogu yeedho Saleebaan Gaal. Inta uu ciidan marya-alool ah urursaday buu yidhi" Burco Baan Ka saarayaa Garxajis ( Siiba H.yoonis). Waa ka yimi burco ee yidhi " H.Yoonis Hubka ay sidato ha ku soo dhiibeen mudo 5 maalmood guda-hood). Waxa lagu yidhi Saleebaan Gaal " Waxad hayso soo daa", Aroortii dambe, salaaddii subaxnimo, markii ay dhamaatay shantii cisho, Saleebaan oo wata  marya-aloolkii waa kii madaafiicdda ku garaacay " Xaafadda Tuur-waa ee Burco", Magaaladda oo nabad degan dagaalka geliyey, wixii ka dhacay-na cidna kama qarsoona, hadh cad waa tii la eryaday. ee Ummadda somaliyeed meel ay joogto-ba ay markhaati ka ahaayeen, markii loo taag waayey Garxajis, ee ay isugu tegiddii Garxajis ku saaqideen dagaalkii, kuwii cuqdad qaba-yaasha ahaa ( waa Askarta Sare ku taal iyo Saleebaan Gaale) iyo marya-alool oo isu dhane, waxna ay ka qaadi kari waayeen Garxajis, bay dani ku xukuntay, in uu Ina Cigaal eryo " Raggii ma adigaa ka hadhay", oo uu af buuxa ku yidhi " been baad ii sheegta", ee wax aad samayn kartaa ma jirto. halkaas markay maraysay, waxa wadda hadal galay H.Jeclo iyo Garxajis, kuna heshiiyey Xabad joojin, ilayn awel-ba Hargeisa baa la iskaga diraayaye ( waa sidda Imika Socota ee ay wadaan askarta qalbi camadda qabtaaye). dagaalkii halkaas buu isku taagay, mantana kuwii waxaas sare dhigay, ee ummadda kala qaybiyey, baa imikana intii sii hadhay sii kala irdheey, oo xididadda u saaraay Qaran-nimaddii somaliland, dib dambe-na loo maqli maayo, arag hadal-kiisa daayoo. Illaah naxariis-tiisa ha ka waraabiyo Abdirahman Ahmed Ali-ye. oo denbi-giisa ha dhaafo, abaalkuu ummadan u galay ha siiyo, ee uu kaga xoreeyey Maamulkii af-weyne ( Oo kan 100% ka wacnaa), waxay tii alle u timi isaga oo dhakhtar London ah ku Jira 08/11/203ggii, waxana loo qaaday in lagu aaso Somaliland, u soo duceeya Marxuumka waa kii googaradda idinka furaye. Waxan maqaaladan soo dayn doonaa haddii alle idimo, Sanad guure kaste oo ay bisha Noofamber ( Novemeber) tahay ayaanta 8aad, sidaas baana aan ku soo gab-gabeeyey Sooyaalkii Marxuum/Mujaahid/Madax-weyne Abdirahman Ahmed Ali ( oo ku magac dheeraa Tuur).

 

          Dhamaad.

* N.B Nimaan Aabihii Maali Jirin Looma Aamino'e

Qore:- Abdi-shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...