FAALLO: Jabhada Cawaale oo ku dhiiratay carabaabida beesha isku koobtay awoodihii Somaliland

0
Tuesday November 12, 2019 - 00:45:57 in News by Abdikadir Guled
  • Visits: 4046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO: Jabhada Cawaale oo ku dhiiratay carabaabida beesha isku koobtay awoodihii Somaliland

    Hargeysa(HWN)-Jabhada Cawaale ee ka soo ifbaxday gobolka Awdal oo toos u abaartay beesha isku koobtay awoodihii dalka iyo bilowga sheegida xaqiiqada dhabta ah ee cadaalad darada dalka ka jirta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN)-Jabhada Cawaale ee ka soo ifbaxday gobolka Awdal oo toos u abaartay beesha isku koobtay awoodihii dalka iyo bilowga sheegida xaqiiqada dhabta ah ee cadaalad darada dalka ka jirta


Hargeysa(HWN)-Waxa gobolka Awdal ee galbeedka Somaliland ka soo ifbaxay Jabhad la baxday cawaale oo asiibtay qodob inta badan mucaaridku kameermeeri jiray.


Mucaaridka Somaliland guddo iyo dibedba waxa ay ka meer meeri jireen in si toos ah ay u sheegaan dheeli tir xumida aafeysay cadaaladii dalka, taas oo sababtay in dadka badankii isweydiiyaan markii u horeysay danta ugu jirta ka sii mid ahaanshaha Somaliland.



Mucaaridkii ka horeeyay Jabhada Cawaale ayaa ka dhigi jiray in Somaliland ay koox aaney marnaba carabaabin ay ku xoontay mansabyadii dawladeed ee Somaliland.


Mucaaridka tabashada saami qeybsiga qaba ee gobolada daafaha ayaa mar walba ku muusanaabi jiray in beesha dhexe ee dalku isku koobtay awoodihii dhaqaale, ciidan iyo siyaasadeed ee Somaliland.


Sidoo kale labada xisbi ee dalka hogaamiyeyaashooda ayaa hore ugu dhici waayay in ay si toos ah u sheegaan in Beesha dhexe aaney u sineyn eedaha boobka xilalka, balse ay u gaar tahay beesha Jabhadu carabowdey ee madaxweyne Muuse Biixi ee Sacad Muuse.


Waxaaney ku muusanaabi jireen in beelaha daafaha la siiyo xaqooda, ruux aan waxa ka maqan dhacsan Karin, ruux kale waxba uma dhicin karo.


Iyada oo laga wada dheregsan yahay in cabashadu ay beelo ka mida ah kuwa dhexe qudhoodu saameysay, isla markaana ay dhankooda ka jirto dareen ah in magacoodii awoodii lagu lunsaday. Isla markaana aaney gacantooda wax badani ku jirin, haba u sii darnaadeen beelaha la tuhmo ee Jeegaanta loogu yeero.


Jabhada Cawaale waxa kale oo ay muujisay in ay tahay in eeda si toos ah loogu jeediyo cid leh ee dalka iyo dadka kala geysay, Beesha Madaxweynaha ee Sacad Muuse oo Jabhadu carabaabtay, beeshaa oo si gaar ah isu siisay manfaca dalka.


Cidii dan ka leh Somaliland mustaqbalkeeda ee hadana ka meer meerta dhab u sheegida halka sartu ka quruntay waxa la gudboon in ay dhan isaga taagto cid ale iyo cidii ku dhiiraneysa xal u helida arinkan mudada taagnaa ee ay dadka qaar xalaaleysteen.


Hadhwanaag News


Hargeysa

Loading...
Loading...