Khasaare Ka Dhashay Meherado Ganacsi Oo Ku Gubtay Suuqa Idaacada Ee Hargeysa
Hargeysa(HWN):-Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Abaaro 2:00 Habeenimo ee xalay ka hawlgalay Dab weyn oo Qabsaday 18 Meheradood oo ku yaalla Suuqa Idaacada ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Meherado u dhaw Garoonka Kubadda Cagta ee Xawaadle.
Dabka oo ahaa Dab baaxadiisu weyntahay ayaa waxaa Ciidanka Dab-demisku Dabkaa ka xakameeyeen 11 Meheradood, halka 8 Meheradood oo ka mida Dabku gaadhay ciidankunaka hawlgalay sidii dabkaas looga joojin lahaa.

Dabkan ayaan sababin khasaare Nafeed iyo dhaawac toona,
hasayeeshee waxaa jiray khasaare Hantiyeed oo soo gaadhay Qaar ka mida Meherada
Dabku qabsaday.
Ciidamada Booliska iyo Maamulka Degmada ayaa hawlgalkaa dhankooda kala qayb
qaatay Ciidanka Dab-demiska.
![]() |
![]() |
![]() |


0 








