Raysal Wasaare Hore Oo Tallo U Soo Diray Madaxweyne Farmaajo Iyo Dawlada Federaalka Ah
Hargeysa(HWN):-Raysal wasaarihii hore ee dawlada soomaaliya Cabdiwali Cali Gaas ayaa ka hadlay qaabka ay dawlada federaalka ahi ula dhaqmayso madaxweyneyaashii hore ee dalka soo maray ee Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Ex raysal wasaare Gaas ayaa qoraal uu soo saaray waxa u fariin ugu diray madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaarihiisa oo uu u ugu baaqay inay yareeyaan khilaafka u dhaxeeya madaxweyneyaashii hore.

Ex raysal wasaare Cabdiwali gaas oo ka hadlaya ismarin waaga u dhaxeeya madaxweyneyaashii hore iyo dawlada federaalka ah ayaa waxa uu qoraalkiisa "Aad ayaan uga xumahay waxii shalay dhacay horeyna u dhacay, Madaxweynayaashii hore waxa ay mudan yihiin in la ixtiraamo , waxa ay soo shaqeeyeen waqti aad u adag , waana nasiib daro sida maanta loola dhaqmayo” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.
Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale talo u diray madaxweyne Farmaajo waxaanu yidhi "Sideedaba haddii aniga siyaasadda wax un ka bartay Soomaaliya, waxa weeye wadanka haddii ay shido jirto, shidada jirto waa la yeeraa, haddii ay badan tahay waa la yareeyaa, haddii ay yar tahay waa la baaba’iyaa, laakiin maalin walba shido cusub la abuuro oo aan horay u jirin oo gacmahaga ku falkisaa adiga ayay dib kugu soo laabaneysaa dhib ayay keeneysaa dalka u keeneysaa, maamulkaagana u keeneysaa”ayuu yiri C/weli Gaas.


0 





