'' Rasaastii Jiibka , Sheeko Xasuus Badan ''.

0
Monday November 11, 2019 - 09:17:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Rasaastii Jiibka , Sheeko Xasuus Badan ''.

    Waxay ahayd habeen madow oo gudcur ah , xidigaha cirka oo qudha mooyaane

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay ahayd habeen madow oo gudcur ah , xidigaha cirka oo qudha mooyaane
 wax kale oo cir iyo dhul muuqdaa ma jiraan , waa madow .

Sanadku waa horaantii 1990 , sidii sanadihii horre sanadkani isna wuxuu ku bilowday saban colaadeed iyo dhiilo joogto ah , danse lagama laha , waayo dee waa lala qabsaday .



Dhiiladda waa lala qabsaday waxaan u leeyahay , baryahaa wax kasta oo dhaca oohin iyo baroor midna dhagahaygu may maqli jirin , dadkuna warkastoo yimaadaa waxba kama badeli jirin .


Hadaba waa sidaase , habeenkaa aan sheegayo barqadii ayaa waxa soo maray Tuulihii aan joogay oo la yidhaahdo Kaamgaas gaadhi Suze ah oo uu lahaa nin la odhan jirey Yuusuf Ibraahin hurre ( calawash) alle ha u naxariistee , waxaanu sheegay war dhiilo iyo naxdin ahaa .


Warkaasi wuxuu ahaa in Ciimadii Dawladii Siyaad Barre oo ka kooban ku dhawaad 70 Tekniko ihi ay la wareegeen Tuuladda Bali-axmed , isaguna dirqi kaga soo badbaaday .


aBali-axmed goob qabsashadeeda la filayay may ahayn , waayo jiidda horre ee dagaalka masaafo ku dhaw 50 km bay kasoo durugsanayd , marka labaad magaalo wayn oo baryahaa aad u camiran oo isku xidha Waqooyi , Barri iyo galbeed na way ahayd .


Markaa kdkuna wuu yool-yooshanaa ilaa habeenkiina wararkaasaa iska soo daba dhacayay , ugu danbayn casarkii waxaa Tuulihii noogu yimi alle ha u naxariistee Dr Xuseen muxumed cawad

.
Dr Xuseen wuxuu ahaa markiisi horre Digtoor ku takhusasay xanaanadda xoolaha , waxaanay walaalo ahaayeen Cali Talyaani oo ahaan jirey Mareeyihii aasaasay wakaalada Biyaha Hargaysa Alhn .


Hasa yeeshee baryahan oo anigu aan bartay Dr Xuseen wuxuu ahaa hogaamiye dagaal oo caan ah, wuxuuna ahaa nin dheer , godan oo indho cascas , mar walbana wuxuu xidhnaan jirey kabo waawayn , koodh cagaara iyo boosh u weheliya qoriga aanu dhigi jirin .


Maalintan dhawr cisho ka hor ayaa Aabahay Yuusuf nuur oo jabhadda qaadhaanka loogu soo hagaajin jirey ka ylimi Diridhabe , dabeeto xuseen iyo Aabo ayaa isu yimi habeenkii 7 fiidnimo .


Anigu waagaa wax i jeclaysiiyey mooyaane waan war jeclaa , inta badana meelaha warka la igama waayi jirin , dabeeto Aabo iyo Dr kornaylka noqday baan raacay .


Meel burciida oo tuulaha ka xigta Galbeed bay fahdiisteen oo cidlo ah , waa labadooda iyo keligay .

Warbixin dheer bay is waydaarsadeen , warbixintii habeenkaasna waxaa ka mid ahaa in Digtoorku yidhi


'' Waxanau ubaahanahay in qori Tarasate ah oo xabadi nagaga goday aanu kasoo hagaajisano Bali-gubadle , rasaasta jiibka oo naga go'ana anau kasoo qaadano , inta aan waagu baryina aanu fariintii ku noqono .


Intaa ka dib Aabo wuxuu waydiyey imika intee haysataan rasaasta jiibka , dabeeto wuxuu ugu jawaabay ''waxba dhawr xabo ooa aanu haynay waanu ku ridnay .


Markaasuu hadna aabo waydiiyey , intee idinku filan , markaasuu Xuseen ugu jawaabay , hadii aanu ilaa 5 xabadood hello , qorigana soo hagaajisano waanu iska celin karaynaa.


Ugu danbayn Aabo iyo Dr xuseen way kala amba baxeen ka dib markii Aabo u dhiibay waxoogay lacag ah iyo shiidaal uu hayay .


jiibkaa waxaa ride ka ahaa nin wadaad ah , oo hadeer ka shaqeeya shirkada Daryeel oo la yidhaahod Ismaaciil aw aadan camale , dareewala waxaa ka ahaan jirey nin caan ah oo la odhan jirey Kayse Ibraahin hurre ( kayse sakhraan) oo geesinimadiisa mar walba laga sheekayn jirey .


Ilaa waagaas ilaa hadeertadan maskaxadaydu weli may iloobin shucuurtii habeenkaas iyo sidii rasaastaas ahmiyadeeda Dr xuseen iyo aabo uga sheekaysanayeen

W/Q: Ahmed Nuur Guruje
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...