Dimuqradinimadiyo, Dawladnimo Waxaw Mudan, Baarlamaanka Danayee,Toogtay Dhoobo Dareed

0
Monday November 11, 2019 - 08:52:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dimuqradinimadiyo, Dawladnimo Waxaw Mudan, Baarlamaanka Danayee,Toogtay Dhoobo Dareed

    Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim (Ascwrwb).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim (Ascwrwb).

SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

1-SOMALILAANTI DUUSHE FOGATEE, DAYAXAA MARAYSAY,

DIB MAXAWGU NOQOTEEN,DOORASHADII KU DAYSEEN,

DAWLADII ADUUNKE,DANAYN JIRAY MAYDIN DAAYEEN.

WAA HORAY DIGEENO,DOORKAN LAMABA SUGAHAYN.

2-DAARTA QOLADAN FUSHAN,DOOBIGAN U BUUXSAMIN,

MAANTAANA UGU DANBAYSO,WIXII DUMAYA YEELKED,

DIIDMADA MUCAARIDKA,WAXBA KA DAADIN MAAYAN,

DAMDAMTA IYO QAYLADA,DANBA MIYAY KA LEEYAHIIN.

3-DIMUQRAADINIMADIYO,DAWLADNIMOBA WAXAA DILAY,

DOOR ISMOOD ISMOOGEEY,SOMALI KALA DARAN,

BAARLAMAANKII DANAYE,DUQEEYEY DHOOBO DAREED,

KUWEENAA DAMIMNIMO,DOOLAR URURSIGUUN WADA.

4-DALKOODNAW DANAYNAYN,DAWLADAW SHAQEEYEEN,

WAXAY DOONTO DIIDEYN,DUUDUUBKAW ANSIXIYEEN,

DACWAD AAN KA CELINAYN,WIXII FULINTU SOO DIRAY,

DAAYACAADA QARANKIYO,U DARAANTA SHACAB SIMAN.

ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...