Deegaanada Puntland oo laga mamnuucay isticmaalka jirgaanada
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa ku sheegtay mamnuucidda jiirgaanada isticmaalidooda ku tilmaantay in ay Qatar ku tahay dadka iyo xayawaanka , jirgaanada qaarkoodna lagu keydin jiray kiimikada si fiicanna aan loo soo nadiifin welina laga yaabo in ay kiimikadu ku harsan tahay lagana yaabo in marka dalka ay soo gaarto biyo lagu shubto,taasina ay saameyn u geysan karto shulshada
" Jirgaanadan waxaa loo isticmaalaa in kiimikada lagu keydiyo iyo weliba waxyaabo kale ,,dadkuna waxay isticmaalayaan jirgaanadan oo aan si wanaagsan loo nadiifin " ayuu yiri wasiir ku xigeenka Caafimaadka ee Puntland C/naasir Yuusuf Xaaji.
Wareegto laga soo saaray madaxtooyada Puntland 31bishii Oktoober ee sanadkan ayaa lagu sheegay in jirgaanada Caagga ah aan lagu iibin Karin loona isticmaali Karin keydinta biyaha la cabbo.
Jirgaanada caagga ah ayaa laga keenaa dalalka Gacanka iyagoo qaarkood ay ku jiraan waxyaabo ay ka mid yihiin shampoo iyo waxyaabo kale oo kuwa is qurxinta ah qaarkoodna waxay dalka soo gaaraan iyagoo faaruq ah.
Abdi Nuur Sheekh Axmed oo ah ganacsade ku nool magaalada Garoowe ayaa sheegay in mamnuucidaas ay ka dhalan karaan dhibaatooyin kale dowladda Puntland ma keenin wixii lagu bedeli lahaa oo biyaha lagu shaban lahaa Puntland kama jiraan wershado soo saara weelal wax lagu shubto.
Hore ayaa maamulka Puntland u mamnuucay isticmaalka bacaha lagu adeegto sanadkii 2016 laakin arrintaa ma hirgalin inkastoo wasiirka caafimaadka C/naasir Yuusuf Xaaji uu sheegay in ay hirgalinayaan sharcigan cusub.