Madaxweyneyaashii Hore Ee Xasan Sheekh Iyo Sheekh Shariif Oo Ay U Suura Gashay Inay Beledweyne Gaadhaan

0
Sunday November 10, 2019 - 15:54:00 in News by
  • Visits: 1418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyneyaashii Hore Ee Xasan Sheekh Iyo Sheekh Shariif Oo Ay U Suura Gashay Inay Beledweyne Gaadhaan

    Madaxweyneyaashii Hore Ee Xasan Sheekh Iyo Sheekh Shariif Oo Ay U Suura Gashay Inay Beledweyne Gaadhaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyneyaashii Hore Ee Xasan Sheekh Iyo Sheekh Shariif Oo Ay U Suura Gashay Inay Beledweyne Gaadhaan

 


Muqdisho(HWN):-Madaxweyneyaashii hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Xasan ayaa maanta gaadhay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.


Madaxweyneyaashan hore oo markii hore laga hor istaagay inay safar ku tagaan magaalada Beledweyne ayey goor dhawayd u suura gashay inay tagaan magaaladaasi.




Wafdiga waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabeele, guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo dad ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada oo saacadihii la soo dhaafayba ku sugnaa Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne.


Inkastoo diyaaradan ugu danbeyntii ay ka degtay magaalada Beledweyne ayaa haddana warar soo baxaya sheegayaan in dhowr jeer dib uga laabtay kaddib markii ay weysay xiriirkii guud, tasoo keentay in ay u jiheysato dhinaca magaalada Muqdisho, balse markii danbe la xaliyay sababihii markii horeba keenay in ay degi -weydo diyaarada oo ilaa iyo hadda aan la sheegin.


Isla Wafdiga ayaa la sheegay in saacado kooban subaxnimadii hore ee saakay lagu xayiray Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.


Madasha Xisbiyada Qaran ayaa qeyb ka ah gurmadka loo sameynayo dadka ay fatahadu ku dhufatay, waxaana socdaalkan wafdiga ay horkacayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya uu noqonayaa mid loogu kuurgalayo xaalada guud ahaan magaalada iyo sida ay fatahaadu sameysay bulshada.

Loading...
Loading...