Komishanka Cusub Ee Doorashooyinka Oo Xarunta Baarlamaanka Tagay

0
Sunday November 10, 2019 - 12:37:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Cusub Ee Doorashooyinka Oo Xarunta Baarlamaanka Tagay

    Hargaysa (HWN) Xubnaha cusub ee guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) Xubnaha cusub ee guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland
ayaa xarunta baarlamaanka kula kulmay guddida arrimaha gudaha ee Golaha Wakiillada oo u xilsaaran diyaarinta ansixinta Komishanka cusub.


 

Marka laga reebo xubinta xisbiga Waddani waxa xarunta baarlamaanka iska xaadiriyay lixda xubnood ee kale oo guddidu u yeedhay waxaana la filaya in guddidu Golaha hor gayso xubnahan lagu muransan yahay.

 

Weli waxaa taagan khilaaf ku saabsan laba xubnood oo katirsan gudidan cusub oo kala ah xubin ka tirsanayd gudidii hore ee wakhtigu ka dhamaaday oo ah Kaltuun Sh. Cabdi-Madar iyo Cabdirashii riyo raac oo xisbiga Waddani ka biyo diiday magacaabistiisa, waxaanse la ogayn in golaha Baarlamaanku ay ansixin doonaan iyo in la soo  celin doono xubnaha muranku ka taaganyahay

 

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

Loading...
Loading...