Dawlada Britain oo qarka u saaran joojinta maalgelinta ciidamada RRUda ka dib kolkii xukuumada Biixi u isticmaashay dad rayid ah
Hargeysa (HWN):-Waxa dhawaan uu gaaray dalka Britain qeylo dhaan ku wejehan tacadiyada ey Somaliland ka geystaan ciidamada ay maalgeliso dawlada Britain ee RRUda oo loogu talo galay ladagaalanka agegixisada.
Sida ay shebekeda Hadhwanaag news ku heshay xo ay u soo tebiyeen dhawr shakhsi oo arintan ka war haya ayaa waxa ay sheegeen xogo wareedyadu in dawlada Britain ay dhawaan joojisay gacan qabadkii ay siin jirtay Somaliland si RRUdu u gidato waajibaadkooda amni.
Britain oo ka jawaabay cabashooyin looga gudbiyay ciidanka oo loo hawgeliyay si khaldan, isla markaana ciidanku geystay denbiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ujoodeeyinkii ciidanka loo aasaasay.
Waxa dawlada Britain u cadaatay in xukuumadihii Kulmiye ee talada Somaliland isaga danbeeyay in ay ku tagri faleen ciidanka RRUda oo ay dad rayid ah tacadiyo u geystaeen iyaga oo fulinaya amaro ka soo baxay Xukuumada.
Dawlada Britain ayaa intii xayiraada maaliyadeed ay dul dhigtay waxa ay sidoo kale dalbatay in dib loogu soo celiyo gawaari kuwa xabadu aaney Karin ah oo ay madaxda qaar si gaar ah u weten.
Dawalada Britain ayaa wadaxajood faro badan dabadeed waxa ay fursad kama danbeyn ah siisay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, fursada ayaa lagu sheegay in hadii ay dib u soo baxdao in ciidamadu tacadi geysteen ay Britain taakulada ka joojin doonto RRUda.
Dawlada Britain ayaa iminka ururineysa tacadiyada RRUda, waana in shacabku kolka ay arkaan iyaga oo cid weeraraya ay u gudbiyaan warbaahinta dalka iyo kuwa dibedeba, si loo saxo khaladaadka iyo tacadiyada Xukuumada Muuse Biixi ay ku heyso dadka reyidka ah.
Hadhwanaag News
Hargeisa