Sustainable Development/ Horumar-Waara Soomaalilaan Ma U Dan Baa?
Hadaba
 dhaqaalayahankii la odhan jirey Thomas Robert Malthus 1798’kii 
aragtidiisii caanka noqotay ee Malthusian Trap/Theory uu ku in korodhka 
dadka oo dhaafa xadka cuntada uu quudan karaa ay keenayso dhinnaansho ku
 yimaada cuntada taas oo haddii ay sii socoto keeni karta masiibo. Si 
masiibadaa looga badbaado waa in kala badnaanshaha korodhka dadka iyo 
cuntada la is waafajiyaa iyada oo korodhka dadka la dhimayo. Waxaa kale 
oo uu ka digey in bulshada ama dawladda xoog u isticmaasha khayraadkeeda
 ay dhawaan ama mar uun dhibaato la kulmayso. Tiknoolojida ayaa 
runnimada aragtidii Malthus meesha ka saartay. Inkasta oo korodhkii 
cuntada ay tiknoolojiyaddu kordhisay oo maanta toddobada bilyan ee 
adduunka ku nool ku filan ama ka badan ba, xanuuno farabadanna dawo loo 
helay hadana waxa aan indhaha laga qarsan karin cawaaqibxumada ay 
keeneen warshaduhu ee ay ka midka yihiin wasakhawga hawada iyo 
isbeddelka cimilada. 
		
		
Isbeddelladaa
 ku yimi cimilada baa horseeday in dawladuhu wax iska waydiiyaan 
dhacdooyinkaa cusub ee ka dhashay horumarrada ay wadeen muddooyinkaas. 
Taariikhdu markay ahayd 1972 baa Qaramada Midoobey shir la yidhaa "Human
 Environment” ku qabteen Iswiidhan kuna saabsanaa muhiimadda uu 
deegaanku u leeyahay yoolasha horumarineed. Shirkan iyo kuwo kale oo la 
qabtay; The World Commission on Environment and Development 1987, UN 
Conference of Environment and development 1992 iyo World Summit on 
Sustainable Development 2002 baa adduunyadu isla garatey in go’aannada 
dawladuhu qaadanayaan ay ku darsadaan arrimaha deegaanka. Si xeegona 
xeego u noqoto ilkona u badbaadaan baa horumarka ay wadaana sii 
wadiddiisa, deegaankana dhibaato uga ilaaliyaan u meel mariyeen Agenda 
21 oo qayb ka ah mashruuca Horumar-waara. Gro Harlem Brundland oo ahaa 
Raysal Wasaaarihii Norway, daabacayna Report’kii la odhan jirey ‘Our 
Common Future’, waxa uu ‘Sustainable Development’ ku macneeyay horumar 
la imanaya rabitaanka hadda iyada oo aanu dhinnaansho ku keenayn awooda 
jiilasha mustaqbalku kula kulmayaan rabitaankooda. Si kooban aan u 
idhaahdo, Horumar-waara waa in la helo horumar joogto ah oo aan 
deegaankana dhibaataynayn, jiilasha soo socdana wax u hambaynaya. 
		
		
Arrinta mudan in la ogaado ayaa ah in dawladaha horumaray ee warshadaha tirada badan lehi ay dhibta ugu badan ay u geystaan deegaanka kolka loo eego waddamada soo koraya. Nin aan waxba cunin siduu u saxaroon?! Hadaba, Somaliland oo waxsoosaarkeeda iyo tirada warshadaha ee ku yaalaa ba ay yar tahay, horumarkeediina sicirbarar iyo musuqmaasuq dibusocod ka dhigeen ma in maanta shirar ku saabsan ‘Sustainable development’ laga ga hadlaa? Oodo dhacameed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa e, ma wax kale oo laga hadlo ayaa la waayay? Dal ba’aw yaa ku lahaa, leh, oo ku lahaan doona? Dhaqaalayahankii Hildebrand ee ka mid ahaa German Historical Economics baa aaminsanaa in aanu jirin xeer dhaqaale oo ka dhex shaqayn kara waddan kasta iyo xilli kasta. Dhaqaalayahan kale oo ka mid ahaa waxgaradkii saamaynta ku lahaa aragtiyaha dhaqaale ee qoladaasi ku tiirsanayd baa isna fikirkii Hildebrand ku sii darsaday in dhaqaalaha sida xeerarka Physics/Fiisigis’ka oo kale xilli kasta iyo meel kasta xeerarkiisa aanaynu u isticmaali karin. Dhaqaalayahannada qaar baa aaminsan in dadka marka dakhligoodu kordho ay si dadban uga qayb qaadan doonaan yoolasha horumar-waara. Koboc dhaqaale aawadii lama gaadhi karo horumar, horumar la’aantiina horumar-waaraa ma jiro waayo wixii la rabay in uu waaro ba ma yaallo meshaba e. Sidaas aawadeed dalalka soo koraya ee ay ku jirto Soomaalilaan waxaa la gudboon in ay xoogga saaraan waxsoosaarka si ay u gaadhaan koboc dhaqaale. Dabadeed sallaanka halkaa ka qabsadaan haday horumar ama horumar-waara ba tahay.
Alaabaha
 badankooda ee waddanka lagu dhex isticmaalaa dhammaan waynu soo 
dejisanaa taas oo la micne ah in dalka lacagtiisu ay waddamo kale dakhli
 u tahay, isbeddel kasta oo ku dhaca sarifka lacagaha qalaadna ay 
sababayso sicirbarar. Waddanka marka laga hadlayo waxsoosaarkiisa waxa 
weeye alaabta uu dalku ku samaysto xuduuddiisa dhexdeeda wakhti cayiman 
sida sannad ama afar bil. Hadii aad maqli jirtey qof waliba intuu wax 
cunuu ciidamiyaa, waddan kastana intuu waxsoosaaro ayuu horumarkiisu ku 
xidhan yahay. Soomaalilaan maxay soosaartaa ee ay isticmaashaa, 
dhoofisaana? Waxa koowaad ee kugu soo dhacayaa waa xoolaha oo iyaguna 
xilliyada xajka uun aad loo iibsado, waxa labaad waa wershadaha yaryar 
ee sharaabka, biyaha, waraaqaha iqk inta ka soo hadhay waynu soo 
dejisanaa. Kolkaa tolow ma Carabta ilaahay dhulkeeda shidaalka ka heshay
 ee loo shaqeeyo dabadeed waxay u baahdaan ba dalbanaya bay Soomaalilaan
 ismooday! Iyada oo sidaas waxsoosaarku u yaryahay baa maamulxumo na u 
raacday oo hadana Reer Galbeed iyo Carab garoon ciyaareed ka dhigteen e;
 dhan mashruucyo aan inna wax horumar ah ku lug lahayn baa ay Reer 
Galbeed u soo xambaarinayaan, dhan kalena fikirro diimeed oo adduunyada 
gaalada siinaya iyakana lugaha cadaab u gelinaya baa ay Carab u soo 
xambaarinayaan. Iyada oo sidaas dhibaatoyinka ay macaamiil joogto ah ugu
 yihiin baa caawimooyinka ugu badan ee Dawlad iyo NGO’ya ba ay adduunka 
ka hesho ama ka dalbataa waa waa wax aan dhaafsiisnayn taakulo 
doorasheed, FGM, Gender balance, faraxalka adduunka iwm oo aan 
dheeftiisu, haddiiba ay jirto e, dhaafsiisnay muddo kooban. 
		
		
Dhibta ugu weyn ee deegaanka ay Soomaalilaan ku samaysaa waa jarrida kaynta oo ay dhuxusha ka samaystaan. Hadaba haddii la helo waddo kale oo ka jaban dhuxusha ama dhaqaalaha dadka kor loo qaado isticmaalka dhuxusha ayaa yaraan lahaa sidaas na dhir la jari lahaa ma ay jirteen. Soomaalilaan dhibteeda ugu badani deegaankaaga kuma dhacdo ee dadkeeda ayay ku dhacdaa. Bulshada Soomaalilaan waxa ay hantidooda iyo nafahooda u waayaan bahalnimada ganacsatada, dhakhaatiirta, ururada aan dawliga ahayn NGO, iyo mas’uuliyad-darrada dawladda. Baadhashada ummada loo ma kala hadhin, qolo magac ganacsade wata oo alaabaha qiimahooda ku kordhiya, mid magaca wadaad wata oo gurmad abaareed iyo dhisme masaajid ku baadha, qolo magaca NGO wata oo bulshada duruuftooda inta ay ka qoraan warbixinno ku dawarsi taga iyo qolo magaca dawladda wata oo cashuur ka qaada oo aan midh ku soo celin.
Dawladnimada
 inta Soomaalilaan madaxdeeda iyo shacabkeedu ka yaqaanaan waa 
doorashada, waxqabadkana nabad iyo ictiraaf-raadis bay ka garanayaan, 
bes. Labadaa wax ka duwan haddii la is yidhaa ku qiimeeya Soomaaliya 
nabad la’aanteeda ayaa ay isbarbar dhigayaan shacab iyo madax ba. Inta 
sidaas fikirkoodu yahayna isbeddel iyo horumar ka dheer. 
		
		
Tusaale yar aan ku soo gebagabeeyo mawduucayga. Ka soo qaad in waddamada horumaray ay la mid yihiin qof dhergay, waddamada aan horumarina qof gaajoonaya, Sustainable development iyo Agenda 21’kana Xanjo. Qof dhereg la cifanaya marka xanjo la siiyo dibiradu way ka yaraata oo wuu nefisaa dabadeed hadii la aamino in xanjadu dadka nefisiso oo qofkii gaajoonayayna xanjo la siiyo saw gaajadii uun ku sii siyaadinmayso. Ma wax baa la taray qofkii gaajoonayay mise waa la dhibey?! Maxaa u xal ah, saw maaha in qofka gaajoonayay cunto la siiyo dabadeed haddii uu dhereg ka cawdo xanjada la siiyo. Si la mid ah sidaa oo kale Soomaalilaan iyo waddamada soo koroyaaba maalgashiyo waxsoosaarka waddanka kordhiya oo dadku shaqo ka helaan ayaa ay u baahan yihiin se hadda wakhtigan ay joogaan u ma baahna mashruucyo lacag lagu soo qaatay oo aan waxsoosaarka waddanka waxba ku tarayn.
Cabdisamed Baashe Xuseen
Msc Economics, Karadeniz Technical University
Trabzon, Turkey.
		
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


        
                    
                0            





