Gudoomiye dhoobo oo markale ku celiyay inuu yahay Godoomiyaha Xaqa ah ee baarlamaanka puntland.

0
Sunday November 10, 2019 - 08:55:56 in News by
  • Visits: 1561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye dhoobo oo markale ku celiyay inuu yahay Godoomiyaha Xaqa ah ee baarlamaanka puntland.

    Guddoomiyihi xilka laga qaaday ee Baarlamanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed oo warbaahinta kula hadlay degmada Xiingalool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihi xilka laga qaaday ee Baarlamanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed oo warbaahinta kula hadlay degmada Xiingalool

 ee gobolka Haylaanee puntland , ayaa mar kale ku celiyay in uu weli yahay guddoomiyaha sharciga ah ee golaha Wakiilada Puntland.


 

Gudoomiye Dhoobo, waxa uu sheegay in aan xilka qaadistiisa loo marin waddo sharciya,sidaasi darteedna uu weli isagu yahay guddoomiyaha xaqa ah ee Baarlamanka Puntland, isagoo tilmaamay in gebi ahaanba lagu tuntay Dastuurkii iyo Nidaamkii Puntland ee laga heshiiyay.



 

Sidoo kale, wuxuu mas’uuliyadda dhibaatadii ka dhacday Garoowe ee dadka lagu laayay dusha ka saaray xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni oo sida uu sheegay baalmartay shuruucdii iyo xeerarkii Puntland u degsanaa, islamarkaana awood ciidan u isticmaashay hay’adda xeer-dejinta.


 

Dhoobo waxa kale oo uubulshada gobolka Sanaag ugu baaqay in ay shir deg deg ah isugu yimaadaan, si ay uga wada-tashadaan arrimaha soo kordhay, dabadeedna ay mowqif midaysan uga qaataan.


 

Hadalka Gudoomiye Dhoobo ayaa dhalin kara isku dhac ku yimaada beelaha maamulka Puntland eek u mideyan maaulkaasi.


Hadalka Gudoomiyaha ayaa kusoo beegmaya Xili shalay Baarlamaanka puntland aay shaaciyeen Habraaaca Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Buntland.

 

 

Loading...
Loading...